Qarax Ka Dhacay Suuqa Bakaaraha

Qarax xooggan oo sababay qasaare soo gaaray dad rayid ah ayaa goor dhaw ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha.

Qaraxaan oo ahaa Bomb gacmeed ayaa lagu tuuray qeybta dahabalaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Waxaa ku dhaawacmay ku dhawaad 12 qof oo shacab ah. Dadkii dhaawacmay ayaa loola cararay isbitaallada Magaalada si loo dabiibo.

Advertisements

Qofkii bamka tuuray ayaa ka baxsaday goobta iyadoo ciidamaduna ay howlgal ka bilaabeen goobta uu qaraxu ka dhacay. Suuqa oo horey ay uga talin jireen Xarakada al-Shabaab ayaa ah suuqa u weyn Soomaaliya waxaana marar badan kooxo hubeysan ka fuliyeen falal amni darro ah.

Horseed Media
Muqdisho