Qarax ka dhacay Xaafada Soomaalida Nairobi ee Eastleigh

Qarax xalay ka dhacay xaafada magaalada Nairobi oo ay Soomaalida ku badan tahay ee Eastleigh  ayey ku dhaawacmeen 9 qof oo rayid ah.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa bambaano la geliyey god wadada dhinaceeda ku yaal, waxaana dadka dhaawacmay la sheegay in sadex kamid ah xaaladooda ay aad u culus tahay.

Bishii lasoo dhaafay ayaa weerar bambaano oo lala beegsaday gaari bas ah oo siday dad rayid ah ayey ku dhinteen 6 qof, ayadoo dadkale oo intaas ka badana ku dhaawacmeen.

Qaraxii bishii hore ayaa sababay weeraro dhalinyaro reer Kenyaan ah ku qaadeen xaafada Soomaalida degto iyo goobahooda ganacsiga, isla markaana boob xoogan u geystay qeybo kamid ah goobaha Soomaalidu leeyihiin, arrintaasi oo keentay in markii danbe Soomaaliduna ay is difaacaan.

Qaraxan iyo kii ka horeeyey ee bishii lasoo dhaafay ayaan cidina sheegan, dowlada Kenya ayaa ku eedaysa weerarada noocaan ah Xarakada Al Shabaab, walow kooxdaasi iska fogeysay inay ayadu ka danbeysay qaraxii lala beegsaday gaarigii Baska ahaa.

Moses Nyakwama Taliyaha Booliiska ayaa saxaafadda u sheegay in qarax xalay uu ahaa bambaano wadada lagu aasay, asagoo sheegay in aan weli cid loo soo qaban weerarkan.

Horseed Media
News Desk

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!