Wasiirada NATO oo ka wadahadalay taageerada lasiin doono Afghaanistaan kadib bixintaanka ciidamada NATO

Waxaa maalinimadii shalay (Arbaco) magaalada Brussels ee caasimada dalka Belguim kulan ku yeeshay Wasiirada arrimaha dibada ee dalalka NATO, kuwaasi oo ka wadahalday taageerada lasiin doono dalka Afghaanistaan kadib sanadka 2014.

Qorshaha NATO ayaa ah kadib markii ciidamadooda ka baxaan dalka Afghaanistaan, in wadankaasi sanad walba lasiiyo deeq ah $4.1 Bilyan oo dollarka Maraykanka, si loogu kabo dhanka amaanka iyo horumarinta.

Balanqaadkan ay horey u sameeyeen dowlada NATO ayaa kusoo beegmaya xili hoos u dhac weyn ku yimid dhaqaalaha wadamada Yurub iyo Maraykanka.

Hillary Clinton Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka oo kulankan ka hadashay ayaa ugu baaqday wadamada Yurub, inay kasoo baxaan balanqaadkooda, isla markaana wadamada aan weli wax balan qaadin wax dhaqaale ah, inay kaalintooda soo buuxiyaan.

Hillary ayaa sheegtay in qorshaha lagu taageerayo wadanka Afghaanistaan uu yahay mid dan ay ugu wada jirto wadamada reer Galbeedka iyo waliba wadamada jaarka la ah Afghaanistaan oo ay ugu baaqday inay nabadeynta laga wado dalkaasi ay ka qeyb qaataan.

Wadamada NATO ayaa ayagu horey ugu balan qaaday Afghaanistaan inay siin doonaan $16 bilyan oo dollaar, kadib markii ay ciidamadooda ka baxaan wadankaasi sanadka 2014-ka, lacagtan ayaa qeyb qeyb loo siin doonaa inta uu socdo isbedalada maamul ee wadanka Afghaanistaan oo ay doorashadiisa dhici doonto isla sanadkaasi 2014ka.

Horseed Media
News DeskĀ 

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!