Morsi oo wadahadal ugu baaqay kooxaha kasoo horjeeda

Madaxweynaha Wadanka Masar Maxamed Morsi ayaa wadahadal ugu baaqay kooxaha kasoo horjeeda ee mucaaridka ku ah Dastuurka qabyada ah ee lagu wado in aftida loo qaado 15ka December.

Maxamed Morsi oo telefishinka kala hadlay shacabka Masar, ayaa u tacsiyeyey dadkii wax ku noqday banaanbaxyadii looga soo horjeeday dowladiisa, wuxuuna ugu baaqay kooxaha kasoo horjeeda in ay wadahadal isugu yimaadaan maalinimada beri ah (Sabtida).

Morsi ayaa ugu baaqay dhalinyarada Kacdoonka oo ayagu si weyn uga soo horjeeda qorshihiisa inay wadahadalka kala soo qeyb galaan koox sharci-yaqaano ah iyo dowlada si fool ka fool ahna u wadahadlaan.

Kooxda dhalinyarada Kacdoonka ee loo yaqaan (April 6) ayaa ku gacanseyray baaqa Madaxweynaha waxayna sheegeen in maalinimada Jimcaha oo maanta ah qaban doonaan banaanbax aad u balaaran oo looga soo horjeedo dowlada Morsi.

Madaxweyne Morsi ayaa weli diidan inuu wax ka bedalo dikereetooyin uu soo saaray 22kii November oo uu awoodiisa ku baahiyey, isla markaana go’aankiisa ka dhigay mid ka sareeya Garsoorka wadankaasi.

Horseed Media
News Desk 

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!