Xisbiga Faroole oo Soo Min-guuriyey Xeerkii Saxaafadda Ee Dalka Burma

CensorshipDhawaan waxaa soo baxay qoraal qabyo ah oo lagu sheegay in uu yahay xeerka saxaafadda ee Puntland lagu dhaqayo kaas oo ay soo diyaarisey Wasaaradda Warfaafinta ee Puntland.

Xeerkan ayaa waxaa qaylodhaan ka soosaarey ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP, guddoomiyihiisa Burhan Axmed Daahir oo ku tilmaamey xeer aan xalaal ahayn isla markaana ahayd in lagala tashado saxaafadda Puntland ka hor inta aan la isku dayin in laga dhigo xeer dhaqangalay, taas oo horey loogu balamey.

Dhegayso Guddoomiyaha MAP oo deedafaynaya xeerkan
[powerpress: url="http://som.horseedmedia.net/wp-content/uploads/2012/12/burhaan.mp3"]

Xeerkan ayaa gebigiisuba u muuqdaa in ay qoreen koox is indho-tireysa isla markaana dharaar cad riyoonaya iyaga oo soo jeeda, qodobada qaarkood waa kuwo lagu qoslo sida qodobka Yaa Saxafi Noqon Kara oo loo dhigey sidan:-

“…Saxafi waxaa noqon kara qofkasta oo soomaali ah oo kasoo baxay Machad saxaafaded, Dugsi sare, ama aqoon u dhiganta, lehna khibrad shaqo ugu yaraan 5-sano akhlaaq iyo sumcad wanaagsan…”

Sida xeerkaani dhigayo Shahaadada Jaamacadda Saxaafadda (Journalism University Degree) waxaa ka horeeya in aad ka soo baxdey keliya Machad iyo dugsi sare haddiiba aan ka dhigno wax u dhigma in ay Jaamacad ka wadaan inkasta oo jaamacaddu aysan u dhigmin labadaba, marka haddii aad shahaado jaamacadeed wadato saxafi ma noqon kartid weeye macnaha xeerkan, waxaa iyaduna la yaableh sida uu qabo xeerkan qabyada ah qofka suxufi ama saxafi noqon kara waa in uu lee yahay khibrad 5 sano ah.

Lataliyaha Madaxweynaha Maxamed Faroole iyo Wasiirka Warfaafinta Maxamuud Dirir [Sawirka: Madaxtooyada Garowe]

Waxaa la isweydiinayaa Wasiirka Warfaafinta Maxamuud Caydiid Diri iyo La taliyaha Madaxweynaha ee dhanka  saxaafadda Wiilka Madaxweynaha Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo la aaminsan yahay in uu xeerkan Injineer ka ahaa ma waxaa isaga khaldamay shuruudaha qofka lagu shaqaaleysiiyo iyo xirfadda qof lahaan karo?

Mise waxay doonayaan dhamaan suxufiyiintu in ay noqdaan shaqaale ka tirsan wasaaradda warfaafinta sida Xisbigii Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed?

Ma waxaa la rabaa in warbaahinta Puntland madaxa-banaan ee Puntland kuligeed isu bedasho sidii jariiradii “…Xidigta Oktoober…” ?

Hadii xeerkan sida uu u qoran yahay loo eego Xataa Wasiirka Warfaafinta ee xeerkan soo bandhigay ayuu qabanayaa maadaama uusan heysan khibrad badan oo dhanka Maamulka ama Saxaafadda ah.

Khibrada dhanka Saxaafada ee Wasiirka Warfaafinta uu leeyahay ayaa ah inuu hada kahor Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da wararka uga soo diri jiray mar uu ku sugnaa dalka Koonfurta Afrika, asagoo xiligaasi wararka Soomaalida siin jirey.

Dhanka Maamulkana Wasiirka waligiis horey uma soo qaban xil maamul oo heer Sare ah, xataa heer Agaasime masoo marin, asagoo jagadii ugu horeysay oo uu xafiis maamul uu ka bilaabo ay tahay [Wasiir].

Waxaana is weydiin mudan Wasiirku intuusan soo bandhigin xeerkan aan macquulka ahayn, asagu shaqsiyan ma isku dabakhay oo ma isla barbar dhigay khibradiisa iyo xeerkan loo soo xambaariyey?

Xukuumaduse ma is weydiisay in dhamaan shaqaalaheeda lagu shaqaaleysiiyey khibrad 5 sano ah laga soo bilaabo heer wasiir  (Golaha Wasiirada) ilamaa iyo shaqaalaha hoose?

Qorshahan ayaa ah mid lagu sharciyeenayo fikir uu in muddo ah aaminsanaa Madaxweynaha iyo Lataliyihiisa dhanka Saxaafadda oo ah in ay ayagu maamulaan Warbaahinta madaxa-banaan oo ay xakameeyaan kuna koobaan warbaahin kaliya ka hadasha shirarka jaraa’iid ee dowlada, balse aan baaritaan madax banaan ku sameyn karin dowlada lamaheeda kala duwan. Isla markaana aan u sinaan karin Shacabka iyo Dowlada.

Tusaale: Haddii saxafigu aaminsan yahay in aqoonsiga laga siiyo wasaaradda warfaafinta, oggolaansho uu ka haysto si uu u noqdo suxufi, waxaa uu aaminayaa in uu shaqeeyo wasaaradda iyo xukuumada, waxaana halkaas ka baxaya madaxbanaanida suxufiga iyo wararka isu miisaaman. Sidoo kale arrintan waxay keenaysaa in Dowladu ayadu qorto shaqaalaha Warbaahinada si ay u maamusho hawlahooda saxaafadeed iyo dhaq dhaqaaqooda.

Goobaha qofka laga shaqaaleysiiyo ayey u taala khibradda qof lagu xiraayo ee qofku xirfad ama mihnad uu soo bartey waa lahaan karaa khibradiisu heerkeydoonto ha gaarsiisanaato.

Qodobada kale ee isweydiinta mudan ayaa ah qodobka 15aad mid kamid ah faqradihiisa ayaa u qoran sidatan:

“Hay’ad kasta oo warbaahineed oo si sharci darro ah u hawlgelisa weriye aan fasax ka haysan wasaaradda warfaafinta waxay muteysanaysaa kun dolar oo ganaax ah”

Xeerkan ayaa ah mid ka hor imaanaya Dastuurka qabyada ah ee Puntland, sidoo kale waxa uu faraha la gelayaa Xeerarka Shaqada iyo shaqaaleysiinta oo ah kuwo madaxbanaan.

Hadaba Xeerkan waa in uu saameeyaa dhamaan xeerarka shaqaaleysiinta ee Puntland iyo madaxbanaanida Ganacsiga.

Waxaan Puntland ka sugeynaa gaar ahaan, Wasaarada Ganacsiga Bakhaarkii shaqaaleysiiya qof wax iibiya ama xisaabiya oo aan oggolaansho ka haysan wasaaradda Ganacsiga waxaa la ganaaxayaa 1000$, sidoo kale waxaan ka sugeynaa Wasaaradda Caafimaadka farmashigii shaqaaleysiiya qof aan oggolaansho ka haysan wasaaradda Caafimaadka waa la ganaaxayaa.

Ku Xadgudub-ka Dastuur Qabyada ah!

Cidda soo diyaarisey xeerkan wareersan waxaa la gudboon in ay dastuurka Puntland ee qabyada ah ka saaraan qodobka 37aad kaas oo xoriyad u siinaya qofku meeshii uu jeclaysto in uu ka shaqeyso in isagu dooran karo. Qodobkaas Dastuurka ku jira 37aad ayaa u qoron sidatan:

“…Shaqaale kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu doorto shaqada iyo loo shaqeeyaha uu doorbido…”.

Madaxweyne Faroole ayaa dhawaan sheegay inay dowlada sameysan doonto Telefishin iyo Raadiye u gaar ah, waxaa haboon xeerkan inay ku dabakhaan shaqaalaha dowlada ee ka shaqeyn doona Warbaahintaas Dowlada sheegtay inay sameysaneyso, ee maaha mid khuseeya warbaahinta Madaxa-banaan.

Muddane Wasiir Maxamuud Dirir iyo Mudane Lataliye Maxamed Faroole Waxaa haboon inaad dib ugu celisaan qoraalkan xafiiska Madaxweynaha oo aad wax badan kasoo bedashaan, wuxuu qoraalkan noqonayaa mid ay ku ceebowdo Xukuumada, waa hadii ceeb cid qabatee, ayadoo aan xataa laga soo sixin qobada ka horimaanaya Dastuurka cusub ee Puntland.

Dhaqaale Doon mise Qaynuun?

Waxaan weli ku gudo jirnaa falanqeynta Xeerkan kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta ee lagu sheegay ” Xeerka Saxaafadda Puntland, kaasi oo ah xeer uu soo dajiyey Xisbiga Madaxweyne Faroole oo ay xubnaha ka yihiin Dhamaan Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Barlamaankii wakhtigiisa dhamaaday.

Xeerkan qabyada ah ayaa qodobadiisa ugu badan waxay dhigayaan lacago lagu soo rogayo hay’adaha warbaahineed, sida Wargeys-yada, Telefishanada, Raadiyaasha iyo weliba Website-yada.

Lacagaha ayaa u qaybsan labo ruqsadda oggolaansho iyo mid lagu sheegay cusbooneysiin sanadkasta ah. Lacagta oo ah mid aad u faro badan ayaa u muuqata mid laga leeyahay dano gaar ahaaneed kuwaas oo ah mid dhaqaale iyo mid lagu curyaaminayo Shirkadaha warbaahinta ee madaxa-banaan.

Inta badan qodobada xeerka saxaafadda waxaa looga hadley dhaqaale iyo lacag la saarayo warbaahinta, xeerkan oo u muuqda mid aan Qaynuun ahayn balse ah mid dhaqaale-raadis ah, waxaa gebi ahaanba ka maqan oo aan lagu soo darin qodobada kala ah:

  • Hormarinta saxaafadda,
  • Ilaalinta xuquuqda suxufiga,
  • Sugida amaanka suxufiyiinta
  • Denbi ka dhigida tacadiyada loo geysto suxufiyiinta.

Tusaale kamid ah lacagaha xeerkan qoraayo Ruqsad TV 2000$, cusbooneysiin 1000$, Anteeno lalis 100$, Raadiye maxali ah ruqsad 2000$, cusbooneysiin 200$, Website ruqsad 150$ sanadkii, iyo lacago kale oo badan oo ganaax iyo baad isugu jira.

Su’aasha kale ee isweydiinta mudan waa lacagta lagu jaangooyey oo ah (Dollarka Maraykanka), goorma ayaa dalka laga beddalay lacagtii Qaranka ee (Shilin Soomaaliga)?

Haddii waraaqaha dawliga ah iyo xeerarka rasmiga ah loo isticmaalayo lacago “Qalaad“, maxaa u diidey in ay isticmaalaan lacagta Soomaaliga oo ah lacagta dalku leeyahay?

Waxaa halkan ka muuqata Xirfad xumada iyo khibrad yarida dhanka sharci iyo maamulka ah ee xubnaha soo xar xariiqay Xeerkan lagu wareersan yahay.

Xeerka Cunaqabateynta iyo Caburinta Saxaafadda Puntland (Dib-u-socod rasmi ah!)

Dhamaan qodobada xeerkan aan cidna lagala tashan waxa ay sheegayaan cabburin, xakameyn, dhaqaale doon, musullafin iyo wax kale oo badan, waxaana in badan oo ka mid ah laga soo min guuriyey dalal hadda iyagu isaga baxaya cabburinta sida dalka Burma ama (Myanmar) oo isagu isku dayaya in uu la saanqaado bulshada Caalamka.

Arrintan ayaa ah hadii ay hirgasho mid meesha ka saareysa saameynta iyo kaalintii ay warbaahinada Puntland ka jira ku lahaayeen gobalada kale ee dalka Soomaaliya.

Burma iyo Buntland (Puntland)

Dalka Burma waxa uu xornimada helay sanadkii 1948, Dastuurka Midowga ee dalkaas oo la qorey 1947 waxaa lagu qeexay in si madaxbanaan wax loo cabbiro karo ayaa xeer hoosaad ay dejisteen kooxda Mileteriga ah ee ka taliyaa dalkaas dadkii ay indhaha iyo dhegahaba qabteen.

Puntland waa maamulka keliya ee Soomaaliya ka jira ee wareegto ku soo saarey Shirkado gaar loo leeyahay in ay xanibto Website sababtu maxay tahay dadku waxay akhrisanayaan ayaan maamuleynaa,  isla markaana albaabada isugu dhufato Raadiye gaar loo leeyahay, iyada oo aan wax maxkmad ah loo marin, taas oo ah geddaha lagu yaqaan xukun melegiisi galay.

Xukuumada Puntland ayaa bishii Oktober xirtay raadiyaha Horseed ee fadhigiisu yahay Bosaso, ayadoo sidoo kale website-ka Warbaahinta Horseed Media ka xanibtay deegaanada Puntland.

Warbaahinta Horseed ayaa ah midda kaliya ee ka hawlgasha Puntland oo soo bandhigaysay warbixinada salka ku haya baaritaanada qotada dheer (investigative Journalism) una doodeysay xuquuqda suxufiyiinta ka shaqeeya guddaha Puntland.

Xiritaanka raadiyaha ayaa la rumeysan yahay in dowlada ay uga jawaabeysay warbixino iyo baaritaano warbaahinta Horseed ku sameysa musuq maasuqa qaar kamid ah mashaariicda Puntland laga waday.

Xukuumada ayaa horey xarunta Madaxtooyada uga mamnuucday inay yimaadaan qaar kamid ah Warbaahinta dalka ka hawlgasha si ay xog dheeraad ah uga helaan kulamada Wasiirada halkaasi ku yeeshaan.

Xeerkan cusub ayaa ah mid lagu doonayo in warbaahinada kale ee Puntland ka jira oo ayagu horey uga gaabsaday inay baahiyaan wax walba oo ay dowlada dhibsan karto in lagu sii cadaadiyo inay hawada ka baxaan, si wadada loogu baneeyo Warbaahinta dowlada rabto inay ayadu furato dhawaan.

Kaalinta MAP

Xeerkan qabyada ah Wasaarada Warfaafinta ayaa wada qaadanaya dhamaan shaqooyinkii iyo hawshii uu lahaa ururka Saxaafada Puntland MAP (The Media Association of Puntland).

Waxay ahayd dowladu inay la shaqeyso ururka MAP halka ay Wasaaraddu toos faraha ula geleyso meel kasta xitaa shaqaaleysiinta Suxufiyiinta taas oo muujineysa dimoqraadiyadda cusub ee Puntland lagu wado laakiin ah inta dhurwaagu caanaha ka yaqaan, ee uu ku sheegay [ Waxa madow oo habluhu markey xerada ariga ku jiraan isu dhiibaan isaga oo ka wada "..Dhiisha.." ]

Ururka MAP guddoomiyihiisa Burhan Axmed Daahir oo in badan oo kamid ah saxaafadda Puntland aaminsatahay in uu ka gaabiyey shaqadii loo igmadey isla markaana galay aamusnaan dheer waa ku amaanan yahay in uu ka gilgisho xeerkan aan xalaasha ahayn, nin xil qaadey eed qaadyey.

Xeerkan qabyda ah ayaa la sheegay in la hor-geyn doono Golaha Wakiilada ee Puntland oo sharcinimadooda la isku haysto maadaama loo dhaariyey xilka muddo 4 sano ah taas oo ku ekayd 31/10/2012, Golahan ayaan lagu aqoon inay weligood dib u ceshaan ama diidaan Qoraal uga yimid xukuumada.

Xubnaha Golahan oo dhamaantood Xisbiga Madaxweynaha kamid ah, ayaa waxaana la isweydiinayaa haddiiba ay meel-mariyaan xeerkan qaarkiis dastuurka ka horuimaanayo sharcimadiisa maadaama wakhtigii loo igmadey (mandate-kiisa) hadal ka taagan yahay bulshada qaarkeedna ay soo saarayaan baaqyo in aysan metelin.

Xeerkan qabyda ah halkan ka akhri.

Daawo Filim kooban oo ku saabsan heerka xoriyadda iyo saxaafadda dalka Burma

Ismail Haji Said
Horseed Media

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.