Saddex Qof Oo Ku Dhimatey Qarax Mar Kale Ka Dhacay Magaalada Nairobi Kenya

Xildhibaan Yusuf Xassan oo ku dhaawacmey qaraxa

Caawa (Jimce) Salaadii cishaha kadib waxaa qarax lala beegsadey dad ka soo baxayey masjidka Hidaaya ee ku yaala xaafada Islii ee Nairobi ee Soomaalidu ku badan tahay, qaraxan ayaa la sheegay in uu ahaa nooca gacanta laga tuuro. Xildhibaanka laga soo doorto xaafadda Kamkunji Yussuf Xassan ayaa dad badan su’aalo uga jawaabeyey albaabka hore ee masaajidka markii lagu soo tuurey bomka, Xildhibaanka ayaa ku dhaawacmey qaraxa.

Inta la ogyahay 10 qof oo uu ku jiro Xildhibaan Yusuf ayaa ku dhaawacmey iyada oo wararka qaarkood sheegayaan in saddex qof oo dhaawaca ka mid ahaa ay dhinteen sidaas waxaa qorey warbaahinta dalka Kenya.

Waa qaraxii labaad oo muddo todobaad ah ka dhaca xaafadda Eastleigh ee Soomaalidu ku badan tahay, sidoo kale waxaa todobaadyo ka hor lagu qarxiyey isla xaafadaas Bas ay saarnaayeen dad rakaab ah kaas oo ay ku dhinteey dad kor u dhaafaya 10 qof.

Ma jirto cid sheegatey weli qaraxan, Xukuumadda Kenya ayaa qaraxyada iyo dilalka ciidanka amaanka ku eedaysa Xaraada al-Shabaab ee Soomaaliyaoo  ay ciidanka Kenya kula dagaalameen gudaha Soomaaliya, inkasta oo xarakada al-Shabaab ay iska fogeysey qaraxyada Kenya kuna tilmaantey kuwo lagu doonayo in lagu baneysto dhiiga Muslimiinta Kenya ku nool.

Xarakada al-Shabaab ayaa horey wacad ugu martey in ay qaraxyo iyo weeraro kala geddisan ka fulin doonaan gudaha Kenya, kadib markii ciidanka Kenya ay la wareegeen  goobo ka tirsan Jubbooyinka oo al-Shabaab ka talin jirey.

Horseed Media
News Desk

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!