Guddiga Doorashada Ee Puntland Oo Kordhiyey Muddada Furashada Xisbiyada

Guddoomiayaha Guddiga Doorashada Puntland ee uu soo magacaabey Xisbiga madaxweynaha Puntland

Guddiga Doorashada Puntland ee uu soo magacaabey Xisbiga uu guddoomiyaha ka yahay Madaxweyne Faroole ayaa maanta sheegay in ay dib u dhigeen waqtigii kama danbeysta ahaa ee xisbiyada lagu furan karo. Waxaana ay sheegeen in muddo 21 maalmood ah ay ku dareen kana dhigeen ugu danbeyn 31/12/2012, halka ay markii hore ka ahayd 10/12/2012.

Guddoomiayaha Guddiga Doorashada Puntland Maxamed Xassan Barre ayaa ku dhawaaqey dib u dhigista mudadii loo qabtey furashada Xisbiyada, waxaana uu sabab uga dhigey codsiyo uga yimid Bulshada qaarkeed, iyo in ay jiraan abaabul kale oo Xisbiyo la doonayo in lagu furto.

Arrintan oo ahayd mid la filaayey in maanta ama ka hor waqtigii hore loo qabtey lagu dhawaaqayo ayaa salka ku haysa kadib markii la waayey Xisbiyo kufilan sida ay filayeen Guddiga Doorashada Puntland ee uu soo magacaabey halka Xisbi, waxaa ilaa iminka lagu dhawaaqey Xisbiga Horseed ee ay ku jiraan dhamaan dawladda oo dhan heer degmo ilaa madaxweyne, iyo laba Xisbi oo kale. Saddexda Xisbi ee ilaa iminka lagu dhawaaqey ayaan soo buuxin shuruudaha Xisbiyada loo dhigey, waxaana isla qoraalka ka soo baxay Xafiiska Maxamed Xassan Barre looga codsadey in ay soo buuxiyaan shuruudaha.

Waa isku daygii saddexaad ee lagu doonayo in lagu dhiiri geliyo dadka gacmaha ka laabtey riwaayaddan, horey ayaa qiime dhimis loogu sameeyey lacagta la doonayo in Xisbi lagu furto taas oo markii hore ahayd $15 000, waxaana ku dhacay 50% iyada oo laga dhigay $7 500.

Isku dayga saddexaad ayaa ahaa markii Madaxweynaha Puntland uu ku dhwaaqey weliba kaga dhawaaqey guriga Baarlamaanka Puntland  Xisbi uu ugu magacdaray HORSEED, waxaana uu isla maalintaas sheegay in dadku ku dhiiran waayey furashada Xisbiyada, haddase waddadii loo furey,  taas oo qudheedu aan soo kordhin wax isbedel ah, isla markaana dadka qaarkiis  fajac ka qaadeen markii Puntland oo dhan ay noqotey hal Xisbi.

Muranka siyaasadeed ee ka aloosan Puntland ayaa salka ku haya muddadii loo  dhaariyey madaxweynaha Puntland in uu xilka hayo oo gabaabsi ah iyo isaga oo ku doodaya in muddo 12 bilood gudaheed ah uu ku qabanayo wixii qabsoomi waayey  afartii sano ee uu xafiiska fadhiyey.

Cabdirisaaq Maxamed
Horseed Media

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!