Kooxda Al-shabaab oo Nabadoon caan ah ku Gawracay Degmadda Ceel buur.

Horseed Media

Muqdisho (HM) Kooxda Al-shabaab ayaa ku gawracay Nabadoon caan ah oo lagu magcaabi jiray Cabdulaahi Maxamuud Faarax Degmadda Ceel buur oo ka mid ah meelaha ay ka taliyaan Kooxdaasi.

Qaar ka mid ah Dadweynaha ku dhaqan Degmadda Ceelbuur ayaa warbaahinta u sheegay in saaka subaxii hore la soo dhigay Medyka Nabadoonka Bartamaha Magaaladda.

Advertisements

Qoyska Nabadoonka ayaa laga soo xigtay in ay Maleeshiyaad ka tirsan Kooxdu ay Nabadoonka kala baxeen Gurigiisa habeenimadii Khamiista intii ka danbeysay mudadaasna aan la aqoon meel ay ku hayeeen.

Kooxda Al-shabaab kama hadlin sababta ay u dileen Marxuumka hase yeeshee Qoyskiisu waxay sheegayaan in uu Nabadoonku ka dhego adagya inuu bixiyo Lacago ay Kooxdu ku xukuntay isaga & Qosykiisa .

Horseed Media
News Desk.