Madaxweynaha Soomaaliya Oo Canbaareeyey Qaraxii Nairobi Masjid

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii xalay ka dhacay kasoo horjeedka Masjid ku yaalla xaafadda Islii ee Nairobi.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo la hadlay saxaafadda kadib markii uu dib ugu soo laabtay dalka ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dad kasoo baxay masjid la qarxiyo waxa uuna uga tacsiyeeyay Madaxweynaha iyo dadweynaha Kenya dhacdadaasi naxdinta leh ee ku dhacday.

Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in qarxyada iyo dilalka laga geysanayo gudaha Kenya ay keentay caawinta ay ciidamada Kenya caawinayaan bulshada Soomaaliyeed isagoo ku nuuxnuuxsaday in Dowladda Soomaaliya ay kala shaqeyneyso Dowladda kenya xaqiijinta Amniga gudaha wadankeeda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si gaar ah uga baryay Ilaah inuu bogsiiyo xildhibaanka laga soo doorto xaafadda Kamakuunji Yuusuf xasan oo kamid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxa waxa uuna Madaxweynuhu ku sifeeyay inuu ahaa shaqsi si weyn uga shaqeynayay sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo dhanka kale ka hadlay safarkiisa Turkiga ayaa sheegay inuu guul kusoo dhamaaday islamarkaana ay sanadka cusub shiri doonaan Wafuud farsamo oo ka kala socota Somalia iyo Turkiga si ay u qiimeeyaan waxyaabaha ay soomaaliya dooneyso in laga saacido maadaama ay qeyb ka aheyd heshiiskii lagu gaaray Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Horseed Media
Muqdisho-Somalia

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!