Maalinta Xuquuqda Aadana Oo Qardho Laga Xusay (Qardho)

Kulan Balaaran oo lagu xusayey 10-December oo ku beegan maalinta Xuquuqul insaanka Caalamka ayaa waxaa maanta lagu qabtay magaalada Qardho,waxaana ka soo qeybgalay Maamulka Degmada,Kan gobolka,Ururada Bulshada ,haweenka,Barakacayaasha,waxaana looga hadalay tacadiyada loo geysto Bin’aadamka,waxa si gaar ah diirada loo saaray dhibaatooyinka ay la kulmaan dadka barakacayaasha oo la sheegay in ay ka midyihiin dhibka loo geysto,Kufsi,Jirdil,Handadaad iyo Cabsi galin,waxaana khudbadihii laga soo jeediyey kulankaani intabadan lagu adkeeyey in la
dhowro xuquuqda Haweenka.

Intii uu socday kulankaani ayaa waxaa laga soo jeediyey gabayo kala duwan oo ku saabsan tacadiga loogeysto haweenka oo laga tilmaamay Gudniinka fircooniga,Kufsiga iyo liidida haweenka,waxaana la isku raacay in dhinac looga soo jeesto dhibwalbo oo loo geysto, Kulankaani waxaa ka soo qeybgalay Barakacayaasha ku dhaqan magaalada Qardho,waxaana loo sheegay in hadii ay tacadi ama dhibaatooyin la kulmaan in ay la soo xiriiraan Booliska,ama Hey’adda gargaarka Sharciyada Legal Aid oo maanta goob joog ka aheyd kulankaani.

Waxaa ugu horeyntii ka hadlay Xasan Cilmi oo ka mid ah Saraakiisha Puntland Human Right Association oo sheegay in dacadiyo badan ay ka dhaceen magaalada Qardho,waxa uuna xusay in tacadigii ugu danbeeyey ay geesteen Ciidamo ka tirsan Dowladda Puntland oo rasaas ku furay shacab dhigay Banaanbax ay ku muujinayeen dareenkooda ku aadan Xiliga Kala guurka.

Sidookale Xasan Cilmi ayaa sheegay in ay canbaareynayaan Tacadi walbo oo loo geysto dadka unugul dhibaatooyinka,waxa uuna hey’addaha Caalamka ugu baaqay in ay waxbadan ka qabtaan dhibaatooyinka loo geysto Haweenka.

Kulankaani ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Puntland Human Right Association(PHRA) waxaana dhanka maalgalinta ka caawiyey UNDP,waxa ayna saraakiisha PHRA sheegeen in ay wadaan kulamo ku aadan xuska maalinta Xuquuqul insaanka ,waxaana ka mid barnaamijyada ay ugu talagaleen,Kulan ay u qabanayaan Bulshada Qeybheeda kala duwan,Dood ay ka qeybgalayaan Dhalinyarada,Ciyaaro kubadda Cagta,iyo Tartan dhanka gabayada,Fariimo qoraal ah oo dadka loogu wacyigalinaayo Qodobo laxiriiriyo Dhanka xuquuqul insaanka,waxana maanta kulankani ku soo dhamaaday Jawi aad u heersareeyo.

Abdiraxman Maxamed Cali(Black)
Qardho-Karkaar-Puntland-Soamlia.

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!