Madaxweynaha J.F.Soomaaliya Oo Ka Hadley Nidaamka Federaalka

Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo waraysi siinayey Telefishanka Qaranka STN ayaa sheegay in nidaamka loogu samaynayo maamulada gobolada isla markaana lagu dhisaayo federaalka Soomaaliya dadka qaarkiis si khaldan u isticmaaleen, isla markaana wadada ka weeciyeen

Xassan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in shuruucda Federaalka gobolada lagu dhisaayo ay samaynayaan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee matala dhamaan umadda Soomaaliyeed, shuruucdaas baarlamaanka ayaa iska leh ayuu yiri.

Advertisements

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa ka digey in khilaafaad hor leh ka dhashaan maamul u samaynta gobolada laga saarey al-Shabaab, isla markaana ay soo baxaan maamul goboleedyo aanx ad lahayn.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maamul goboleedyada isku xirma oo hal maamul wada samaysta ay tahay in ay samaystaan dastuur la saanqaadi kara kan Federaalka Soomaaliya.

Kadib markii gobolo dhawr ah laga qabsadey xarakada al-Shabaab ayaa maamul u samanyta goboladaas iyoq aabka ay isu raacayaan noqdey mid la isku fahmi waayo iyada oo aan weli wax maamul goboleed ah ka dhismin goobahaas, marka laga reebo maamulo kumeelgaar ah oo hawsha sii wada.

Horseed Media
Muqdisho, Somaliya