Midowga Yurub Oo Guddoomey Abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka


Guddiga Abaalmarinta Nobelka Nopel Peace Prize ayaa maanta magaalada Oslo ee dalka Norway ku guddoonsiiyey Midiwga Yurub abaalmarinta Nobelka ee sanadkan loo gartey in ay muteysteen dalalka ku jira Midowga Yurub.

Iyada oo Midowga Yurub la daala-dhacayo dhaqale xumo iyo ismaan-dhaaf dhanka dhaqaalaha iyo miisnaayidda ah ayaa guddiga abaal marinta Nobelka nabaddu u garteen Midowga Yurub in ay muteysteen abaal marintan maadaama qaaradda Yurub ay ka dhigeen dalal nabad ah halkii ay markii hore ahaayeen goob dagaalo ka socdeen.

Advertisements

Guddoomiyaha guddiga abaal marinta nobelka nabaadda Thorbjoern Jagland ayaa gacanta u geliyey Nobel peace prize, madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Herman Van Rompuy Iyo Madaxa Guddiyada Midowga Yurub Jose Manuel Barroso, waxaana ay ku tilmaameen guul u soo hoyatey Midowga Yurub laakiin soo daahdey, iyaga o sheegay in ay dhiirigelin u noqon doonto dhamaan dalalka 27 ah ee ku jira Midowga Yurub.

Xafladdii loo qabtey Abaalmarinta caalamiga ah ee sanadkasta Bisha December la qabto waxaa ka soo qaybgalay inta madan madaxda dalalka Midowga Yurub sida Chancellor-ka Jarmalka Angela Merkel, Madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande iyo Raysalwasaaraha Italy Mario Monti.

Qaar kamid ah kuwii horey ugu guuleystey abaal amrinta nabadda ee Nobelka ayaa canbaareeyey in Midowga Yurub la siiyo abaal marinta Nobel-ka oo ka qaybqaatey dhibaatooyin meelo badan ah oo dunida ka dhacay waxaana ay ku baaqeen in lacagta abaal marinta oo gaareysa 1.2$ oo Dollarka Maraykanka ah in aan sanadkan la bixin, waxaana ay kala yihiin Desmond Tutu, Mairead Maguire iyo Adolfo Perez Esquivel

Abaal marinta Nobel peace prize ayaa sanadkasta la baxshaa taariikhdu markey tahay 10 December, taas oo ku beegan dhimashadii Alfred Nobel’s sanadkii 1896 ee lagu xuso abaalmarintan taas oo ahayd dar-daarankiisi, magaalada Oslo dalka Norway waxaa lagu bixiyaa midda nabadda, halka caasimadda Sweden lagu bixiyo abaal-marinta, Caafimaadka, Suugaanta, Kimisteriga iyo Fisigska.

Horseed Media
News Desk