Wefdi Ka Socda Dawladda Federaalka Soomaaliya Oo Booqanaya Shabeelada Dhexe

Wasiirka Gaashaandhiga Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, Taliyaha guud ee ciidanka xooga dalka Soomaaliya Gen.Cabdulqaadir Diini iyo wefdi kale oo ay hoggaaminayaan ayaa maanta gaarey magaalada Jowhar, sidoo kale wefdiga ayaa tegaaya magaalada Mahadaay ee isla gobolka Shabeelada Dhexe.

Wefdiga oo ay horey u sii raaceen koox weriyaal ah ayaa u kuurgalaya xaaladda gobolka Shabeelada Dhexe oo maalintii shalay laga saarey Xarakada al-Shabaab ciidamo taabacsan oo halkaas ka talinayey 4tii sano ee u danbeysey.

Ciidamada Xooga dalka iyo kuwa AMISOM oo maalintii shalay si farsamaysan ula wareegay Jowhar iyo Mahadaay kadib markii ay muddo halkaas dul fadhiyeen waxaana hadda ay qorsheynayaan sidii ay horey ugu socon lahaayeen si la isugu furo magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyn.

Shabaab ayaa weli ka taliya magaalada Buuleberde oo u dhexaysa Jowhar iyo Beledweyn, waxaana dhici karta in uu qabsado dagaal kaga yimaada laba jiho.

Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha guud ee xooga dalka Soomaaliya Gen.Cabdulqaadir Diini ayaa sidaan oo kale booqdey todobaadkii hore gobolka Shabeelada Hoose oo intiisa magaalooyinkiisa waaweyn ay dawladdu kala wareegtey al-Shabaab, waxaana halkaas kuq absadey laba weerar oo jidka loo galay.

Si kastaba ha ahaatee weerarada ka dhanka ah al-Shabaab ayaa ah kuwo aan joogsaneyn sida Wasiirka gaashaandhiga Dawaldda Soomaaliya ballan qaadey ilaa dalka oo dhan laga saaro ama ay isdhiibaan.

Dhanka kale Xarakada al-Shabaab oo ka hadley dagaalada Shabeelada dhexe ayaa sheegay in ay ahayd qaab farsamo in ay ka baxaan Jowhar iyaga oo aan awoodoodi waxba soo gaarin.

Horseed Media
Muqdisho, Somaliya

Facebook Commnets Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.