Mucaaridka Siiriya oo gacanta ku dhigay Saldhig Militari oo muhiim ah

Xoogaga la dagaalamaya Xukuumada Bashaar Al Assad ee dalka Siiriya ayaa la wareegay saldhig militari oo ku yaal duleedka magaalada Aleppo oo ay todobaadyadii lasoo dhaafay ka socdeen dagaalo xoogleh.

Saldhigan lagu magacaabo Sheikh Suleymaan ayaa Galbeedka uga beegan magaalada Aleppo ee ku taal Waqooyiga dalkaasi Siiriya.

Dagaalyahanada mucaaridka ayaa xoog kula wareegay Saldhigaasi Miliatri oo ahaa xaruntii taliska ee ciidamada Dowlada ee ka dagaalamayey nawaaxiga magaalada Aleppo oo ah magaalo muhiim ah.

Dhanka kale dagaalyahanada mucaaridka ayaa kusoo dhawaanaya caasimada, ayagoo hada la wareegay qeybo kamid ah xaafadaha ku yaal duleedka magaalada Dimishiq.

Diyaaradaha dagaalka ee Dowlada Siiriya ayaa duqeyn ba’an ka wada hareeraha magaalada Caasimada ah si ay u joojiyaan xoogaga hubeysan ee kusoo qul qulaya magaalada Dimishiq.

Deegaanka Guta oo ah banaanka Dimishiq ayaa waxaa ka dhacay duqeymo xoogleh oo diyaaradaha dagaalka la beegsadeen xaafadahaasi oo hada la sheegay inay saldhigyo ka sameysteen dagaalyahanada doonaya inay xukunka ka tuuraan Dowlada Bashaar Al Assad.

Horseed Media
News Desk 

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!