Maraykanka oo taageeray Golaha Mucaaridka Siiriya

Dowlada Maraykanka ayaa markii ugu horeysay taageertay Golaha ay ku midoobeen ururada siyaasada ee Mucaaridka dalka Siiriya, inuu yahay golaha rasmiga ah ee matala shacabka iyo wadanka Siiriya.

Maraykanka ayaa noqonaya wadankii ugu danbeeyey ee reer Galbeedka ee taageerada siiya Golaha lagu dhisay magaalada Dooxa ee dalka Qatar oo ay dhawaan ku shireen ururada mucaaridka ah ee wadanka Siiriya.

Taageerada Maraykanka ayaa waxaa shaaciyey Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo arrintan ku sheegay wareysi uu siiyey Telefishonka ABC ee wadanka Maraykanka.

Dhanka kale Maraykanka ayaa listiga argagaxisada geliyey mid kamid ah ururada hubeysan ee ka dagaalamaya gudaha wadanka siiriya, ayagoo sheegay in ururukaasi xiriir la leeyahay Al Qaida.

Maraykanka ayaa lasoo gaabiyey taageeradiisa, ayadoo ay horey Golaha Mucaaridka ay aqoonsi u siiyeen wadamo badan oo Carab iyo Reer Yurub ah.

Horseed Media
News Desk 

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.