Isbahaysiga Siyaasadeed Ee Midnimo Oo Ku Baaqey In Wada-hadal Looga Gudbo Khilaafka Puntland Ka Taagan

dr. sadiq eenowIyada oo dhawaan magaalada Bosaso looga dhawaaqey urur siyaasadeed ay ku mideysan yihiin aqoonyahan iyo waxgarad kale kaas oo loogu magac daray Midnimo ayaa maanta bayaan uu soo saarey isbahaysigaasi ku baaqey in la yeesho wada hadal looga gudbo khilaafka hadda taagan.

Dr.Axmed Maxamed Axmed Dheere (Dr.Saadiq Enow) oo guddoomiye kumeelgaar ah u ah ururkaas ayaa maanta saxaafadda u akhriyey bayaanka ururkoodu soo saaray.

Guddoomiyaha Isbahaysiga Midnimo ayaa ka sheekeeyey taariikhda Punland, himilooyinkii loo dhisey, iyo wixii dhidibada loogu taagay ee ahayd Axdi kumeel gaar ah, khilaafkii dhacay sanadkii 2001 iyo dhibaatootinkii ka dhashey muddo kororsiga xiligaas dhacay.

Dr. Saadiq ayaa si weyn ugu dheeraadey doorashadii dhacdey 2009 taas oo lagu doortey Madaxweyne Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, iyo barnaamijkii uu horgeeyey baarlamaanka ee ahaa 4-ta sano ahaa iyo in isaga lagu doortey dastuurkii lagu doortey madaxweynihii isaga ka horeeyey ee Cadde Muuse.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ka sheekeeyey heerarkii uu soo marey dastuurka Puntland ee la meel mariyey 18 April 2012, kaas oo saldhig u ah muranka taagan maanta.

Khilaafka taagan ayuu sheegay in ay weheliyaan arrimo ka taagan deegaanka Dal Udug (Puntland) kuwaas oo noqon kara baasiin huriya dhibaatada taagan waxaana ka mid ah ayuu yiri Dr.Saadiq arrimahaas

  • Nabadgelyo xumada ka jirta deegaanada ku yaala hareeraha Puntland
  • Hubka xoogan ee qabaa’ilku ku haystaan gudaha
  • Hadalada dhiilada xanbaarsan ee ka soo yeeraya mucaaradka
  • Dawladda oo mowqifkeeda ku adkeysanaysa

Marka arrimahaas la isku darro haddii aan xal laga helin ka hor 08 Jan 2013 in laga dhaxlo arrimo murugo leh, khilaafkaas soo noq-noqdey ayuu sheegay in ay sabab u tahay Maxkmadda dastuuriga ah oo la’aanteed aysan suurta gal ahayn in nidaam dawladeed hana qaado, maxkmadda dasuuriga ahna waa midda leh in ay xaliso xaaladda hadda oo kale taagan, dhamaan masuuliyiintii soo marey Puntland way ku fashilmeen in ay hirgaliyaan.

Ururka Midnimo ayaa dowladda Puntland ugu baaqay inay furto wadahadal ay isugu yimaadaan siyaasiyiinta mucaaradka ah, waxgardka Puntland iyo aqoonyahanada si xal looga gaaro guuxa siyaasadeed ee ku salaysan isfahan-waaga siyaasadeed ee ka jira Puntland, waa in la furaa national Dialog, dawladduna ha qaadato fadhiga dalkana si wada jir ah haloo badbaadiyo.

Halkan ka akhri bayaanka oo ah sidii ururka Midnimo u soo saarey

Dhegayso bayaan ka oo dhamaystiran:

Horseed Media
Bosaso, Somaliya

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.