Madaxweyna​ha Soomaaliya oo xafiiskiis​a ku qaabilay wafdi ka socday wadanka Jabuuti

IMG_0209

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Idiris Cali iyo mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Kulankaas waxaa kala qeyb galay Madaxweynaha, Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Professor Maxamed Sheekh Cusman Jawaari iyo mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliyo, waxaa kale oo goob joog ka ahaa Safiirka Jabuuti Mudane Dayib Dubad Rooble.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si fiican ugu soo dhaweeyay wafdiga Villa Soomaaliya kuna wargeliyay in aysan Soomaliya marti ku aheyn oo ay tahay dalkoodii. ” dadka dhex gala waa dadkiinii la hadla” sidaasna waxaa yiri Madaxwenha Soomaaliya markii u la hadlayay wafdiga ka socday Jabuuti.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa aad u amaanay safarkii uu ku tagay dalka Jabuuti kana dhawaajiyay in ay wada shaqeeyn doonan labada dal.

Sidoo kale Guddoomiyeyaasha Baarlamannada Jabuuti iyo somalia ayaa soo booqdaay dekadda Muqdisho iyagoo u kuur galayay xaaladda iyo Dhaqdhaqaaqa ganacsi ee ka socda Dekadda waxaana sidoo kale qado sharaf loogu sameeyay wafdiga ka socday jabuuti xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

Guddoomiyaha Baarlamanka Jabuuti iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maalintii labaad booqasho rasmi ah ku jooga Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Horseed Media
Muqdisho-Somalia

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!