Al-shabaab Oo Banaanka Dhigey Mid Kamid Ahaa Saraakiisha Ururkaas

ht_omar_hammami_ll_120319_wg

War ka soo baxay Xarakada al-shabaab maanta oo Isniin ah ayaa lagu sheegay in abu-Mansuur al-Amriiki aanu ku hadli karin magaca Xarakada al-Shabaab isla amrkaana ka haynin wax masuuliyad ah.

Bayaanka ay soo saartey qaybta warfaafinta ee al-Shabaab ayaa lagu sheegay in arrintaani ka danbeysey muuqaalo Video ah oo uu baahiyey abu-Mansuur al-Amriiki taas oo ahayd riwaaayado uu dhigaayey isaga oo sheegay in Xarakada kala qaybsan tahay uuna ku jaahwareeriyey dadka Muslimiinta ah waa sida warka loo dhigaye.

Sidoo kale bayaanka ayaa lagu sheegay in ajaanibta ka ba-bar dagaalamaysa al-Shabaab oo loogu yeeray Muhaajiriin hadda kadib magacooda aanu ku hadli karin abu-Mansuur al-Amriiki

Warka ka soo abxay al-Shabaab ayaa la sheegay in uu ka danbeeyey kadib markii ay muddo si hoose iyo si gaar ahba ula talinayeen abu-Mansuur al-Amriiki in uu ka waantoobo falalka caynkaas oo kale ah taas oo uu ka dhega adeygay.

abu-Mansuur al-Amriiki ayaa ka yimid gobolka ALABAMA ee dalka Maraykanka Aabihiis waa Siiriyaan Muslim ah, halka hooyadiis ay ahayd Maraykan diinta masiixiyadda haysata, magiciisa saxda ah waa Cumar Shafiiq Hamaami, lama oga taariikhda rasmi ah ee uu ku biirey al-Shabaab waxaase loo badinayaa in uu Soomaaliya tegay sanadkii 2007. Waxaa marar badan laga daawadey muuqaalo Xarakada al_Shabaab baahisey isaga oo tbabaraya koox ka mid ah al.-Shabaab, sidoo kale waxa uu samayn jirey heeso sida RAP-ka loo qaado kuwaas o uu ku dhiirigelin jirey kooxda al-Shabaab.

Laba Video oo uu soo saarey Omar Shafik Hammami (Abu mansuur al-Amriiki) ayuu midkii hore ku sheegay in naftiisu khatar ugu jirto in ay dilaan Xarakada al-Shabaab, halka muuqaalka danbe uu ku sheegay in ay jiraan khilaaf sii kala fogeynaya ajaanibta u dagaalka doonatey Soomaaliya iyo hoggaamiyaasha Xarakada al-Shabaab.

Lama oga halka uu rasmi ahaan ugu sugan yahay Abu-Mansuur, waxaase bayaankani caddeynaya in uu jiro khilaafka uu ka hadlaayey Abu Mansour.

Horseed Media
Muqdisho, Somaliya

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.