Ciidamada Dawladda Oo La Wareegay Deegaanka Kudhaa, Jubada Hoose

sintaara

Tuulada Santaara

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee saaka ciidamo ka tirsan dawladda Soomaaliya ay gudaha u galeen deegaanka Kudhaa oo ah jaziirad ka tirsan gobolka Jubada Hoose, isla markaana ka mid ah meelaha ugu bilicda san gobolka, uguna qanisan.

Xarakada al-Shabaab oo halkaas ka talineysey shantii sano ee u danbeysey ayaa la sheegayaa in ay isaga baxeen kadib markii ciidanka dawladdu culeys soo saareen.

Kudhaa ayaa ah jaziirad hawd ah oo dhirtu aad ugu badan tahay isla markaana leh dhul daaqsiin ah iyo beero, waxaana la filayey in ay noqon doonto goobaha ugu danbeeya ee al-Shabaab ku dagaalami doonaan, dhanka kale waxaa al-Shabaab caqabad ku noqotey dadka deegaankaas dega oo taageero aan u hayn al-Shabaab, sida ay ku warameen qaar ka mid ah dadka deegaanka KUDHAA.

Ciidamada dawladda, jamhadda raaskaanbooni oo ay taageerayaan kumaankun ka mid ah ciidamada dalka Kenya ayaa al-Shabaab kala wareegay xarunta gobolka Jubada Hoose  ee Kismaayo dhamaadkii bishii September, waxaana taasi horseeday in magaalooyin kale ay gacantooda ka baxdo.

Si kastaba ha ahaatee warka sheegaya in Kudhaa ciidamada dawladdu hada ku sugan yihiin oo ay warbaahinta u xaqiijieen qaar kamid ah saraakiisha ciidanka xooga dalka Soomaaliya ayaa la dhihi karaa waxaa gacanta al-Shabaab ka baxdey goob istraatiiji ah.

Horseed Media
News Desk

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.