Ciidamada Puntland oo mushaharkooda codsaday iyo Xaflad ka dhacday Madaxtooyada Bosaaso

Bidix: Cumar Faroole Taliyaha Ciidamada Madatooyada iyo  Gen.Siciid Dheere Taliyaha Ciidamada Darawiishta

Bidix: Cumar Faroole Taliyaha Ciidamada Madatooyada iyo Gen.Siciid Dheere Taliyaha Ciidamada Darawiishta

Waxaa habeenimadii Salaasada soo galeysay  ka dhacdey xarunta Madaxtooyada Puntland xaflad lagu sheegay in lagu dhiirigelinaayo ciidanka Puntland, Xafladdaas ayaa waxaa ka tumey kooxda Waaberi ee Puntland, waxaana ka soo qaybgalay Taliyaha ciidanka daraawiishta Puntland Gen.Siciid maxamed Xirsi (Siciid Dheere), Taliyaha ciidanka Madaxtooyada Cumar Cabdullaahi Faroole, sidoo kale waxaa xafladda si weyn uga dhexmuuqdey Abwaan Shube.

Horseed Media oo ogaatey maalmo ka hor in Madaxweynaha Puntland isugu yeeray dhamaan saraakiisha ciidamada noocyadooda kal duwan ayaa looga arrinsadey xaaladda amaanka iyo sida ciidamadu lug ugu lahaan lahaayeen siyaasadda iyaga oo difaacaya muddo kororsiga xukuumadda, qaarkamid ah saraakiisha ayaa ku dooday in ciidamadu ay aad uga xunyihiin in aysan mushahar qaadan 4tii bilood ee u danbesyey isla markaana aysan muuqan talaabo wax looga qabanayo arrimahaas.

Abwaan Shube iyo Qaar kamid ah Kooxda Waaberi

Abwaan Shube iyo Qaar kamid ah Kooxda Waaberi

Madaxweynaha Puntland Dr.Cadbiraxmaan Faroole ayaa sheegay in ciidanku heli doono mushaharkiisii laakiin inta ka horeysa bisha Janaayo la doonayo in dhiirigelin loo sameeyo arrintaasna saraakiisha laga rabo waxaana uu ugu yeeray “Oryateyshan” ama Kulamo “Wacyi Gelin ah” waa in la sameeyaa isla markaana la abaabulaa ciidanka.

Si kastaba ha ahaatee ciidankii la doonaayey in xafladda loo qabto ayaan dhamaantood ka soo qaybgelin, waxaana mid kamid ah ciidanka diidey in uu tago xafladdaas oo Horseed Media kula hadley shardi ah in aan magiciisa la soo daabicin yiri:

“…Anagu hees iyo maaweelo ma rabno iyo gabdho noo ciyaara, waxa aan dooneynaa waa mushaharkayagii oo naga maqan, dhiiri gelin waxaa u baahan ciidamada xuduudaha ilaalinaya kuwa buuraha ku hortaagan cadawga ee ma Bosaso ayaa noqotey furintii ciidanka lagu dhiirigelinayey?…” ayuu yiri Askarigan oo aan dooneyn in aan magaciisa la soo xigan.

Ciidamada Madaxtooyada

Ciidamada Madaxtooyada

Askerigan diidey in uu ka qaybgalo xafladdaas ayaa Horseed Media u sheegay in dhamaan saraakiisha kale noocey doonaanba ha ahaadanee ay sheegeen in ay tahay tani maaweelo, caruurta ayaa lagu maaweeliyaa noocan oo kale ee ciidanka xaqoodi waa in la siiyaa si ay u gutaan waajibaadkooda.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole oo asagu xarunta Madaxtooyada ku sugnaa xiliga Xafladan dhaceysay ayaa ka gaabsaday inuu munaasabada kasoo jeediyo khudbadii loogu talo galay, kadib markii lala socodsiiyey in intii badneyd saraakiishii iyo ciidamadii la casumay aysan soo xaadirin.

Gen. Siciid Dheere ayaa 16 bilood ee u danbeeyey ahaa nin ku lamaan Madaxweynaha isla markaana sawiradu qabanayeen xaflad kasta oo Madaxweynuhu tago, taas oo dadka qaarkiis is weydiiyeen shaqada Taliyaha ciidanka ee ahayd in uu ka dheeraado goobaha siyaasadda lagu hayo isla markaana ku ekaado goobaha ciidamada, si kastaba ha ahaatee Siciid Dheere oo ka mid ahaa saraakiishii ka qaybqaatey dagaaladii Puntland ka dhacay sanadkii 2001 ayaa dadka qaarkiis is weydiinayaan in khilaafka Puntland uu faraha la soo geli doono ama in ciidamadu aysan dhexgelin doonin siyaasiyiinta.

Ciidamada Madaxtooyada oo xaflada daawanaya

Ciidamada Madaxtooyada oo xaflada daawanaya

Horey ayey gadood u sameeyeen qaar kamid ah ciidamada Dowlada gaar ahaan Darawiishta oo meelo kala gedisan cabashooyin kasoo gudbiyey, horey ayey ciidamada Darawiishta ee ku sugan deegaanka Kalabeyr ee gobalka Bari gadood u sameeyeen bishii September ee sanadkan, sidoo kale ciidamadii Puntland ee jiida Tukaraq ku sugan ayaa ayaguna qaar isla sanadkan gudhiisa kubiiray maamulka Khaatumo ee Taleex lagu dhisay.

Arrintan mushaharaadka ciidamada iyo waliba shaqaalaha Wasaaradaha dowlada ee aan la bixin 4tii bilood ee lasoo dhaafay ayaa qeyb ka ah caqabadaha dowlada hada horyaal xili ay ku furan yihiin xiisado siyaasadeed maadaama uu soo dhaw yahay wakhtigii horey loo qorsheeyey doorashada oo uu Madaxweyne Faroole iyo Xisbigiisa oo hada ka kooban Golaha Wakiilada iyo Wasiirada sheegeen inay dib u dhigi doonto muddo sanad ah.

Cabdirisaaq Maxamed
Horseed Media

Facebook Commnets Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.