Wafdi ka socday Hay’adaha QM oo maanta tegay magaalada Marka, Shabeelada Hoose

Wafdigaan oo ka kala socday Hay’ado ay kamid yihiin UNDP,UNICEF,UN-OCHa iyo Saraakiil kale ayaa waxa ay diyaarado helocopters ah ku tageen deegaanka Shalaanbod halkaas oo looga qaaday gaadiid geeyay Xarunta Gobolka Shabeellada Hoose ee Marka.

Xubnaha wefdiga ayaa waxa ay Magaalada Marka kula kulmeen masuuliyiinta Maamulka Gobolka,Saraakiisha Ciidamada iyo dadweyne kuwasaoo ay kala hadleen xaaladaha bani’aadaninimo ee ka taagan guud ahaa Gobolka iyo sidii ay Hay’adaha QM xafiisyadooda dib uga furan lahaayeen.

Sidoo kale Masuuliyiin ka tirsan hay’adaha QM ee maanta tagay Marka ayaa ballan qaaday in ay si dhaqso ah uga bilaabi doonaan Magaaladaasi Howlo samafal ah si loo caawiyo dadka dhibaateysan.

Maamulka Gobolka Shabeellada hoose ayaa masuuliyiin u hadashay waxa ay xaqiijiyeen inay si weyn uga qeybqaadan doonaan ilaalinta xuquuqda Aadanaha islamarkaana ay soo celinayan adeegyadii Bulshada waxa ayna ka dalbadeen Hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya Samafalka inay u gurmadaan Dadweynaha ku nool Gobolka shabeellada Hoose.

Horseed Media
Muqdisho-Somalia

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!