Kulankii dhexmaray Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya [Sawiro]

IMG_2485

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqashu ku tagay Kenya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta waxeey  kulan la yeesheen Madaxweynaha dalka Kenya Mudane Mwai Kibaki.

Wafdiga Madaxweynaha  uu hogaaminayo ayaa waxuu ka kooban yahay Wasiiro, Safiiro iyo Diblomaasiyiin.

Labada Madaxweyne iyo Wasiiradda labada dal ayaa waxeey galeen kulan uu albaabadda u xirnaa.

Kulankaas ayaa waxaa looga hadlay xalaadaha ka taagan Bariga Afrika oo ay ka mid yihiin amniga, qaxootiga, ganacsi iyo burcad badeedka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxaa uu ku amaanay Madaxweynaha Kenya howlaha oo ka qabtay horumarinta iyo nabadeeynta Bariga Afrika.

“…. Mudane aragtidada fog, geesinimadaada, waayo aragnimada aad leedahay waxey keyd u tahay nabada, xasilnaanta iyo degenaashada Gobolka waxaana ku rajeynayaa guul…” Ugu danbeytii ayaa shirka waxaa kasoo baxay bayaan ay labada dhinac si wada jir ah u soo sareen, loona aqriyay saxaafadda.

[Akhriso Qoraalkii Wadajir-ka ahaa ee labada dhinac soo wada saareen. Page 1 &  Page 2 ]

Xafiiska Madaxweynaha DFS

Faafin: Horseed Media

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.