Mwai Kibaki oo madaxweynaha Soomaaliya ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta

Kenya-Kibaki-Somali President

President Mwai Kibaki receives the Somali President Hassan Sheikh Mohamoud on arrival at J.K.I.Airport

Wefdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa maanta tegey magaalada nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Wefdiga madaxweynaha waxaa loogu soo dhaweeyey Nairobi si heer sare ah, waxaana garoonka diyaaradaha ugu tegey Madaxweynaha dalka Kenya iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan qaybaha hay’adaha maamulka dalka Kenya.

Advertisements

Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud ayaa salaan sharaf uga qaatey cutub ka mid ah ciidamada kenya, kuwaas oo u garaacey astaanta calanka Soomaaliya.

Shirarka ay wada yeelan doonaan kenya iyo Soomaaliya ayaa laguw adaa in ay hareyso arrinta Jubbooyinka iyo maamul u samaynta, Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen nabadgelyada iyo sirdoonka, iyada oo Kenya deris la noqotey qaraxyo badan oo cid toos u sheegata aysan jirin weli.

Horseed Media
Nairobi, Kenya