Madaxweynaha J.F.Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud oo Muqdisho dib ugulaabtey

xassan_ariveMadaxweynaha Soomaaliya oo maanta dib ugu soo laabtay Caasimadda ayaa ka hadlay Safarkii uu ku tagay waddamada Kenya iyo Uganda.

Madaxweyne Xasan Sh. maxamuud iyo Wefdigii la socday ayaa Garoonka aaden cadde waxaa kusoo dhaweeyay Afheyeenka Baarlamanka iyo R/Wasaaraha Dalka oo ay wehliyeen Wasiirro,Xildhibaanno,Saraakiil iyo Madax kale oo ka socota qeybaha Ciidamada Dalka.

Advertisements

Madaxweynaha oo saxaafadda Shir jaraa’id u qabtay ayaa xusay in safarkiisa si guul ah uu kusoo dhamaaday islamarkaana Madaxda Kenya iyo Uganda ay isku afgarteen arrimo farabadan oo ku saabsan Iskaashiga Dhinacyada Amniga iyo xoojinta Xiriirka ka dhexeeya Dowladahaas iyo Somalia.

Madaxweyne Xasan Sh. ayaa intaasi ku daray in Booqashadiisa dalalka bariga afrika uu muhiim u yahay soo celinta Xasiloonida iyo Amniga wadanka iyo sidii loo soo afjari lahaa Cadowga Alshabab iyo Alqaacidada kale ee ku sugan Somalia.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale xalay kula kulmay magaalada Kampala intii uu ku sugnaa Jaaliyadda iyo ardayda Soomaalida ee ku nool Uganda waxa uuna ka codsaday inay ku biiraan saraakiisha tababarka ciidan loogu qaadayo Dibadda si ay u hogaamiyaan Ciidanka qalabka sida ee Somalia.

Horseed Media
Muqdisho-Somalia