Ciidamada Dowladda oo xabsiga u taxaabay 9 Qof oo amni darro ka sameynayay Jowhar.

Alpha Group

Alpha Group

Ciidamada Ammaanka ee Dowladda Soomaaliya ayaa Maanta xabsiga u taxaabay ku dhawaad 10 Ruux kuwaasoo Falal amni darro ah ka waday Magaalada Jowhar.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo haatan ku sugan Magaalada jowhar ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Gaashaan oo kaashanaya Cidamada ka howlgala magaalada ay saakay howlgallo ka sameeyeen Xaafadda Hantiwadaag ee Magaalada jowhar halkaas oo ay ku qabteen 9-Ruux oo afar kamid ah ay hubeysnaayeen oo ay xirnaayeen dareeska ciidamada Milateriga.

Ragga la xiray ayaa lagu eedeeyay inay ka shaqeynayeen falal amniga lid ku ah halka qaar kamid ahna ay dhacayeen dad shacab ah oo ku sugnaa magaalada.

Dowladda soomaaliya ayaa dhawaan gacanta ku dhigtay magaalada jowhar iyadoo Ciidamo ka socda Alpha Group geysay Magaalada si ay ammaanka u xaqiijiyaan waxaana qeybaha bUlshada ay si weyn usoo dhaweeyeen Isbedelka ay Dowladda ka sameysay dhinaca amniga degmooyin kamid ah kuwa hoostaga Gobolka Shabeellada Dhexe.

Horseed Media
Muqdisho-Somalia
<

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.