Hab-dhaqanka Xukuumada Puntland, Tayo-darrada urur mucaaradeedka, Isimada aamusan iyo siyaasiyiinta goodinaya

MadaxdaXaaladaPuntland2013

Deegaanada Puntland ayaa xiligan laga dareemayaa xiisado siyaasadeed oo ka dhashay qorshaha dowlada ay ku damacsan tahay inay muddo hal sano ah xilkeeda ku darsato, arrintan oo ay si weyn dood uga keeneen bulshada reer Puntland qeybaheeda kala duwan.

Dooda ugu weyn ee xiligan taagan ayaa ah xukuumada Cabdiraxmaan Maxamed Farole oo sheeganeysa in Dastuurkii la ansixiyey ee aan weli aftida loo qaadin uu u xalaaleenayo in hal sano dheeraad ah ay xilka sii hayaan kadibna soo diyaariyaan doorashada golayaasha deegaanka.

Dadka arrintan kasoo horjeeda ayaa ayagu tilmaamaya in qodobkan uu yahay mid ay dowladu ka been sheegayso Dastuurka qodobadiisa oo aan wax xil kordhin ah lagu qeexin, ayagoo sheegay Lifaaqa dowlada raacisay Dastuurka uu yahay mid aan sharci ahayn isla markaana wakhtigeeda uu ku eg yahay xiligii loo dhaariyey oo ah 4 sano kuna eg 7da Janaayo 2013.

Doodan ayaa keentay in dowladu ay qaado tilaabooyin ka dhan ah Saxaafadda iyo waliba dadka ay u arkaan inay dhaliilayaan xukuumada, waxaana la xir xiray dad badan oo  kasoo horjeeda xukuumada Madaxweyne Faroole, halka saxaafadda loo diiday inaysan si madax banaan wax u baahiso, halka qaar kamid ah warbaahinta la xiray.

Dhamaan arrimahan ayaa ah kuwo si weyn uga fog waxa loogu yeeray Dimuquraadiyada oo dadka awood u siineysa inay xukuumada dhaliili karaan, isla markaana tilaabooyinkan guracan ee xukuumadu qaaday ayaa sii xoojiyey shakiga ay shacabka ka qabaan in xukuumadan tahay mid dimuquraadiyad ogol ama lagu sii aamini karo awooda dalka.

Ku takri Falka Awooda 

Xukuumada Faroole ayaa si bareer ah u muujisay ku takri fal dhanka awooda ah, ayadoo xabsiyada dhigtay dad aan wax danbi ah gelin balse noqday maxaabiis siyaasadeed, ayadoona intooda badan xabsiyada lagu hayo ayadoo aan maxkamad la horkeenin. Arrintan ayaa noqotay hab dhaqan caado ka ah Puntland xiligan isla markaana keentay kacdoonka ay dad badan uga soo horjeedaan xukuumada hada xilka heysa.

Dhinaca kale dhamaan Dowlada Puntland ayaa hada isugu biyo shubatay hal Xisbi oo uu guddoomiye ka yahay Madaxweynaha, xisbigaasi oo hada aan wax jawaabcelin ah kasiin shacabka ku takri falka dhanka maamul iyo dhaqaale ee hada ka jira Puntland.

Tilaabooyinkan ayaa ah aasaaska xiisada hada ka taagan Puntland waxayna dad badan rumeysan yihiin hadii aan arrimahan wax laga qaban in ay khal khal gelin karto jiritaanka Puntland oo ay hadaba ka maqan yihiin gobolo badan.

Horey ayey usoo baxeen baaqyo badan oo ka yimid beelaha ku dhaqan Puntland oo ka-digay qorshaha dowlada, walow baaqyadaasi ay noqdeen kuwo ay dowladu aysan dhag jalaq u siin balse uga jawaabtay xarig iyo cago jugleyn. Taasi xal makeeni doontaa?  U maleyn maayo!

“…Dad baa waxay leeyihiin dimiquraadiyad baa loo guurayaa oo Qabiilka  baa laga guurayaa, waxaana muuqata xukuumada hada joogta in aysan sinama u noqon karin Dimuquraadi waa xukuumad qabiili ah ayna ka muuqato ku takri falka ay Shaqsiyaadka Madaxweynaha ka ag dhaw ku hayaan dhaqaalaha iyo awooda maamulka Puntland…..arrintan iska daa in dimuquraadiyad loogu gudbee waxay keeni kartaa xiisad burbur ku keentay jiritaanka Puntland….. dad baa yareesanaya meesha xaal marayo, balse hadii aan wax laga qaban, waxay keeni kartaa in la dhumiyo wixii yaraa oo la heysta iyadoo la isleeyahay meel kale hala gaaro….”  ayuu yiri mid kamid ah Nabadoono dhawaan safar ku tagay magaalada Garowe oo halkaasi dib looga soo celiyey.

Tabar darada ururada Mucaaridka cusub!

Dhawaan ayaa waxaa deegaanada Puntland looga dhawaaqay ururo siyaasadeed, kuwaasi oo isku tilmaamay inay yihiin “…Mucaarid…”

Ururadaasi ama xisbiyadaasi ayay shacabka Puntland shaki weyn uga qabeen inay si hoose xiriir ulla leeyihiin dowlada, isla markaana ururadan lagu dhawaaqay ay ahayd oo kaliya xeelad dowlada ay ku muujineyso in isbedal hada yimid, ayna ku helayso fursado ay wakhtiga kusii kororsato.

In badan oo shacabka kamid ah ayaa si weyn u sugayey bal waxa ay soo kordhiyaan ururadan lagu dhawaaqay ee sheegtay inay mucaarid ku yihiin dowlada.

“…..imtixaanka ugu horeeya oo ururadan mucaaridka sheegtay laga rabo inay kasoo baxaan ayaa ah bal sida ay Dowlada hada xilka heysa oo ay mucaaridka ku yihiin ay ulla xisaabtami doonaan, waanu arkeynaa inay la loolami karaan xisbi xaakimka awooda dalka oo dhan maroorsaday….”  ayuu yiri siyaasi ka qeyb galay mid kamid ah xafladihii dhawaan magaalada Bosaaso looga dhawaaqay urur siyaasadeedyadda.

Hadaba waxaa wax sharqan ah ama hadal ah laga waayey xisbiyadii ama ururadaasi sheegtay inay mucaaridka yihiin oo illaa iyo hada aanba haba yaraatee ka hadal ku takri falka awooda ee xukuumada hada joogta iyo dhawaaqa Shacabka ay uga soo horjeedaan Xukuumada oo keeni kara Xiisad siyaasadeed oo raad fool xun ku reebta deegaanada Puntland.

“…Boowe mucaarid meesha ma jireen ururada lagu dhawaaqay hawshii laga lahaa waa laga fushaday…”  ayuu igu yiri mid kamid ah odayaasha magaalada Bosaaso oo magaciisa ku koobay Xassan, kaasi oo sheegay inuusan canshuurta bixin doonin wixii ka danbeeya 8da Janaayo ee 2013.

Waxaa la yaab ah xisbiyadii Mucaaridnimada sheegtay oo illaa iyo hada ka hadli karin xataa dadka sida xaqdarad ah xabsiyada loogu heysto, iskaba daa inay xukuumada kula xisaabtamaan ku takri falka kale ee dhanka maamul iyo dhaqaalaha.

Waxaa fursadan ka faa’ iideystay Musharaxiinta ayagu aan xisbiyada ama ururada ku dhawaaqin kuwaasi oo helay fursad ay ugu doodaan shacabka sida weyn u dhibsaday xukuumadan soo maamuleysay 4tii sano ee lasoo dhaafay, oo xitaa aan xurmeyn dasuurka oo dhigaya inaan qofna xabsi lagu hayn karin wax ka badan 48saac haddii aan maxkmadi xalaaleyn.

Marka laga yimaado siyaasiyiinta ayagu musharaxiinta ah ee ku goodinaya in dowlada aysan ictiraafi doonin wixii loo gaaro dhamaadka wakhtigii loo dhaariyey, ayaa hadana waxaa jira Beelo iyaguna hubeysan oo aan laheyn musharaxiin balse diidan Xukuumada hada joogta, kuwaasi oo wax ka tabanaya maamulka hada xilka haya, Beelahaasi ayaa iyaguna ku goodinaya inay tilaabo ay uga tashanayaan aayatiinkooda qaadi doonaan hadii xukuumada hada joogta xilka kusii adkeysato ama uu dhici waayo wax isbedal wanaagsan ah.

Arragtiyadan aadka u kala fog ayaa waxaa baasiin kusii noqon kara hubka faraha badan ee guryaha u yaal shacabka iyo beelaha ku dhaqan Puntland, hubkaasi dagaalka ayaa hadaba markii ugu horeysay dib loogu arkayaa wadooyinka waaweyn ee qaar kamid ah magaalooyinka Puntland.

Cabsi-da Shacabka

Waxaa maanta cabsida ugu weyn ee shacabka ay qabaan kamid ah;

1- Kaalintii Isimada iyo Nabadoonada oo ay Xukuumada dabool-weyn saartay

2- Siyaasiyiinta xil doonka ah ee Puntland oo hada isu diyaarinaya kacdoon wajiyo badan yeelan kara

3- Shacabka oo diidmada ay u muujinayaan dhaqan xumada maamulka ay sii xoogsaneyso

4- Beelihii hubeysnaa oo ku goodinaya in aysan xukuumada hadda jirta aqoonsan doonin wixii ka danbeeya 7da Janaayo.

5- Xukuumada oo qorsheenaysa inay adeegsato awood militari, Caasimadii Puntland gebi ahaan u diiday in aysan tagi karin muwaadiniinta aan ogolaanshaha ka heysan Xisbiga Madaxweynaha.

6- Nabadoonada la xiray oo ay beelahooda ku goodinayaan inay qaadayaan tilaabooyin ka dhan ah xukuumada, ayagoo ku andacoonaya in mar hadii xukuumada ayadu sharciga jabisay ayaguna jirin sharci qabta.

7- Hogaanka dowlada hada joogta oo aaminsan in aan wax dhibaato ah aan jirin isla markaana ku mashquulsan sii joogto xafiiska 1ka sano ee soo socda iyo waliba 5ta sano ee kusii xigta.

Dhamaan qodobadan iyo kuwo kale oo badan ayaa mugdi weyn gelinaya xaalada Puntland hadii aan kahor intaan la gaarin bisha Janaayo wax laga qaban, waxayna shacabka si weyn u hadal hayaan in dhibaatada ugu weyn ee maanta jirta ay tahay Isimadii Puntland oo aamusan taasina ay sabab u tahay Madaxweyne Faroole oo aanba aqoonsaneen kaalinta ay ku yeelan karaan xiligan siyaasada Puntland.

“….Waxaan illaahay ka baryeynaa inuu dhulkeena nabad sii ahaado, laakiinse rajo xumo weyn baa jirta, shacabkana waan u jeednaa way soo kartay hab dhaqanka maamulka Faroole iyo caruurtiisa….”  ayey tiri haweenay reer Garowe ah oo ayadu ka gaabsatay in magaceeda la shaaciyo arrimo la xariira amaankeeda ayadoo intaasi ku dartay “…waan taagnaa markii ninkii Indhoolka ahaa ee Cabdikaafi xabbada laga dul ridayey ee xabsiga loo sii jiidayey iyo waliba sidii loola dhaqmay wiilal falkaas ka xanaaqay oo ayagiina lasii xiray……aad baan uga xunahay in dad shacab iyo nabadoono ah magaaladeena dhexdeeda sidaa loola dhaqmo..arrintan waxay keeni doontaa ficil aan horey Puntland looga aqoon oo ay dowladan ku beereyso dadka walaalaha ah ee wada dhashay….”

Hadaba Dhawaaqa shacabka la maqal, Dhaqanka dowladana la arag, Dhego la’ aanta urur mucaaradeedkana cadaatay, Dhawrsashada Issimada la dareen, balse su’ aasha waxay tahay Puntland ma heli doontaa sanadka soo socda ee 2013 siyaasiyiin ama hogaamiyaal arragti fog leh oo ka bad baadiya khatarta laga wada cabsi qabo inay lasoo daristo dhulkeena hooyo?.

Hussein Farah
Horseed Media

Facebook Commnets Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.