Guriceel oo lagu qabtay ajaanib la tuhmay

guriceel31

Mas’uuliyiinta amniga ee degmada Guriceel ee gobalka Galgaduud ayaa sheegay inay xabsiga ku hayaan labo nin oo ajaanib ah oo lagu tuhunsan yahay inay kamid yihiin kooxda Al Shabaab.

Weli lama shaacin magacyada iyo wadamada ay u dhasheen dadkan la sheegay in lagu qabtay magaalada Guriceel xili ay ahaayeen safar. Warkan waxaa warbaahinta Soomaalida qaarkeed u xaqiijiyey maamulka degmada Guriceel.

Horey ayey u jireen warar sheegaya in qaar kamid ah ajaanibta kooxa Al Shabaab ka tirsan inay xiligan qorsheenayaan inay isaga baxaan dalka Soomaaliya, kadib markii ay Al Shabaab dhumisay goobo badan oo kamid ah gobalada koonfureed ee dalka Soomaaliya.

Horseed Media
News Desk

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.