Madaxweynaha Puntland oo booqday Jaamacadaha ku yaal Bosaso

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa shalay booqasho ku tagay labada Jaamacadood ee Bariga Afrika iyo Jaamacada Muqdisho Faraceeda Bosaaso, waxaana booqashadiisa ku wehliyey qaar kamid ah Wasiirada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa markii ugu horeysay booqday goobaha Waxbarashada ee Boosaaso ayadoo booqashadii ugu danbeysay ee noocaan ahayd 1 sano kahor (29 December 2011), xiligaasi oo uu Madaxweynaha Puntland la socday Wafdigii Cabdiweli Ali Gaas oo xiligii Raysalwasaaraha DFKMG ahaa oo booqasho ku yimid Bosaso.

Madaxweynaha Puntland ayaa Jaamacadaha uu booqday kulamo la yeeshay mas’uuliyiinta waxbarashada iyo waliba ardayda wax ka barata jaamacadahaasi asagoo ku booriyey inay wax bartaan isla markaana ka shaqeeyaan dalkooda.

Madaxweynaha Puntland ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Bosaaso, wuxuuna intuu ku sugnaa magaalada uu booqasho ku tagay Airporka iyo Dekkada magaalada Bosaaso.

Inta badan Madaxweynaha safarkiisa Bosaaso ayaa ahaa mid uu kulamo kula qaadanayey siyaasiyiin iyo beelaha ku dhaqan gobalka Bari, wuxuuna habeen hore magaalada Bosaaso kulan balaaran kula yeeshay Culumaa’udiinka oo ay ka wadahadleen xaalada xiligan ka jirta Puntland iyo murran ka dhashay xil kororsiga dowlada ee 1ka sano ah.

Kulamada Madaxweynaha uu la qaatay culumaa’udiinka oo ahaa kuwo ay albaabada u xiran yihiin ayaan wax war ah kasoo bixin, wuxuu sidoo kale kulan noocaan ah la qaatay Madaxweynihii hore ee Puntland Cadde Musse oo asagu ku sugan Bosaaso, waxaana la sheegay in Madaxweyne Farole ka codsaday Cadde Musse inuu gacan kasiiyo sidii uu uga dhaadhicin lahaa beelaha kasoo horjeeda aqbilaada 1ka sano ee xilkororsiga dowlada.

Gen.Cadde Musse oo asagu xiligan ku sugan Bosaso ayaa ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo kulamadii uu la yeeshay Madaxweynaha Puntland.

Horseed Media
News Desk

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!