Wafdigii ka socday Dowladda Soomaaliya oo booqday Dekadda iyo Isbitaalka Magaalada Kismaayo

kismayo_port1

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo maalintii labaad ku sugan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa booqday Dekadda weyn ee Magaalada iyo Isbitaalka kismaayo halkaas oo lagu dabiibayo dhaawacyada askar ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa deeq lacageed guddoonsiiyay askartii jiiftay Isbitaalka ee ku dhaawacmay Howlgalladii Gobollada jubbooyinka qeybo kamid ah looga saaray Alshabab.

Sidoo kale Wasiirrada ayaa la kulmay Odeyaasha,Waxgaradka iyo Aqoonyahannada ku sugan Magaalada Kismaayo kuwaasoo ay kala tashanayeen qaabka Maamul mideysan loogu sameyn lahaa Gobollada Jubbooyinka waxaana la isku raacay in maamul ay dadka raalli ka yihiin loo sameeyo Dowladduna uu ka ammar qaato Maamulkaasi.

Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta C/laahi Ciilmooge ayaa sheegay in Wasaaraddiisu ay Idaacad FM ah oo laga dhageysan karo Raadiyaha ku hadla Afka Dowladda ka hirgelineyso maanta gudaha  Kismaayo si ay u wacyi geliyaan Bulshada.

Wasiirrada arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Warfaafinta, Garsoorka iyo saraakiil kale oo ay ku jiraan saxafiyiin ayaa xalay ku hoyday Hoteelka waamo ee Magaalada Kismaayo iyadoo ammaanka wafdigaasi ay si weyn usugayeen Ciidamada AMISOM ee Kenyatiga ah waxaana sidoo kale wafdigaasi kolanyadii gelbinaysan ay soo marsiiyeen qeybaha kala duwan ee magaalada.

Horseed Media
Muqdisho-Somalia

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!