Booskii xildhibaanimada ee Dr.Cabdiweli iyo Xuseen Khaliif oo loo dhaariyey xubno cusub

Xildhibaan yaasiin Cabdi Seed, oo lagu bedalay Dr.Cabdiweli Cali Gaas

Xildhibaan Yaasiin Cabdi Seed, oo lagu bedalay Dr.Cabdiweli Cali Gaas

Waxaa fadhigii maanta ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya lagu dhaariyey laba xildhibaan oo cusub kuwaas oo baddalaya Dr.Cabdiweli Cali gaas iyo Xuseen Khaliif Xaaji Jaamac

Yaasiin Cabdi Seed ayaa lagu baddalay Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiweli Cali gaas oo isagu ka tanaasuley Xildhibaanimada Baarlamaanka.

Advertisements

Sidoo kale Xuseen Khaliif Xaaji Jaamac ayaa lagu badalay isagana Xildhibaan cusub oo lagu magacaabo Cabdirashiid Muuse Nuur.

Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya waxaa kamid noqdey Qurbojoog badan iyo ganacsato kuwaas oo markii hore raadinayey Madaxweyne, Raysalwasare iyo Wasiiro, laakiin markii ay waayeen xilalkaas ay u cadaatey in aysan ka qayb-qaadan karin fadhiyada iyo doodaha baarlamaanka marka la eego shaqooyinka ay hayeen, waxaana la filayaa dhawaan in Xildhibaano kale oo cusub la dhaariyo kuwaas oo beddeli doono xubnaha aan ka qaybqaadan karin shaqooyinka Baarlamaanka.

Horseed Media
Muqdisho, Somaliya