Baarlamaanka oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixyey Qaybtii Dhimanayd ee Golaha Wasiiradda(Sawiro)

Fadhigii maanta ay yeesheen xildhibaanada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa looga hadley ansixinta wasiiradii cusbaa ee dhawaan uu magacaabey raysalwasaare Saacid.

Raysalweasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa xildhibaanada ka hor akhriyey khudbad dheer oo uu kaga hadlaayey muddaadii uu xafiiska joogey wixii u qabsoomey iyo waxyaabo kale oo uu qabanayo maalmaha soo socda. Raysalwasaaraha ayaa ka hadley wufuudda xukuumadisu u dirtey gobolada dalka qaar kamid ah gaar’ahaan kuwa koonfureed, sidoo kale waxa uu sheegay in dhawaan ay wefdi u diri doonaan Puntland isla amrkaana dib loo bilaabi doono wada hadalkii Dawladda dhexe iyo maamulka Somaliland.

“….Waxaan aad idiinka mahad celinayaa sida wanaagsan oo aad ula shaqaysaan xukuumadda, waxaana taas daliil u ah codka aqlabiyada ah oo aad markasata ku ansixisaan, sidoo kale waxaana u aragnaa in ay tahay waajib shaqo oo idin saaran inaad soo celisaan wixii aad u aragtaan in aysan ku jirto danta guud. Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan dib u habayn ku soo samayn doono Miisaaniyada aad ku soo celiseen xukuumadda sida ugu dhaqsaha badana ayaan dib idinkugu soo celinaynaa….”

“….Waxaan xooga saarnay xaga amaanka oo aan ku talaabsanay guulo waaweyn oo ay ka mid yihiin qaadidii isbaarooyinkii yaalay magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda kuwaas oo caqabad ku ahaa isu Socodka, Nabad galyada iyo iyadoo Dhaqaale aad u faro badan laga qaadi jiray gaadiidka, taasina waxay calaamad u tahay sida ay nooga go’an tahay inaan dalka nabad ku soo celino. Waxaan sidoo kale diyaarinay oo dhawaan howl galaya ciidamo gaaraya kun Askari oo aan u dhamaystirayno qalabkooda kuwaas oo qayb weyn ka qaadanaya sugida amniga Caasimada, waxaa kale oo xusid mudan in ciidanka Qaranka oo garab sanaya kuwo AMISOM la wareegeen gacan ku haynta magaalda Jowhar…” ayuu yiri raysalwasaare Saacid

Ugu danbayntii Xukuumaddu waxay wafuud kala duwan u dirtay gobolada dalka, sida Bay, Gedo, Hiiraan iyo Jubada Hoose,

“….Xukuumaddu waxay wafti balaaran u dirtay magaalada Kismaayo waxayna la kulmeen soo dhaweyn balaaran oo dadka deeganku aysan u kala harin, waxay kulamo la qaateen bulshada qaybaheeda kala duwan waxaana waftiga dowladda dadku ku dhaqan magaalda Kismaayo u muujiyeen sida ay u garab taagan yihiin. Waxaana dowladu balan qaadaysaa inay gacan ka gaysan doonto sidii looga xorayn lahaa Alshabaab dagmooyinka ay uga harsan yihiin Jubooyinka iyo dhamaan gobolada Dalka, dhanka maamul u samaynta Jubooyinka dowaladu waxay qaadanaysaa hogaanka sidii maamul loogu samayn lahaa gobolada Jubooyinka iyadoo maamulkaas ka imanayo dadka deegaanka. Waxaana arinkaas ku heshiiyey Dowladda iyo bulshada qaybaheeda kala duwan. Taasina waa siyaada guud ee dowaladdu ka damacsantahay gobolada Jubooyinka iyo dhamaan gobolada Dalka.waxaa kale oo dowladdu qorshaynaysaa sidii wafti balaaran ugu diri lahayd gobolada Dhexe si ay gacan uga gaystaan sidii loogu dhisi lahaa maamul dadku raali ka yihiin….” ayuu yiri Saacid.

Raysalwasaaraha ayaa ka codsadey in Xildhibaanadu ay codka kalsoonida siiyaan wasiiru dawlayaal gaaraya 5 iyo 18 wasiir kuxigeen oo uu dhawaan magacaabey.

Fadhigii maanta oo ay fadhiyeen 150 Xildhibaan ayaa 138 kamid ah isku raaceen in ay oggolyihiin, halka 12 ay ka soo horjeesteen ma jirin cid ka aamistey.

Golaha wasiirada ayaa isla fadhigii Baarlamaanka lagu dhaariyey, waxaana dhaariyey Guddoomiyaha Maxkmadda sare Caydiid ilka xanaf.

Guud ahaan tirada xukuumadda ayaa noqoneysa 34 marka lagu daro raysalwasaaraha, wasaarado badan ayaa la isu geeyey, wasaaradaha qaarkood ayaa iska leh laba wasiir kuxigeen.

Horseed Media
Muqdisho, Somaliya

Facebook Commnets Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.