Nabadoon lagu dilay magaalada Gaalkacyo

Waxaa caawa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug lagu dilay mid kamid ah Nabadoonada gobalka oo lagu magacaabo Gaboobe Aaden Dalab. Allaha u Naxariistee Marxuumka ayaa kasoo baxay masaajidka salaadii Cishe kadib waxayna koox hubeysan ku dhex toogteen xaafada Israac ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Ehelada Marxuumka ayaa u xaqiijiyey Horseed Media geerida Marxuumka oo la sheegay inuu dhaawac culus kasoo gaaray weerarkan kadibna uu ku geeriyooday Isbitaalka magaalada Gaalkacyo oo dhaawaciisa loola cararay.

Ma jiraan cid dilkan loo soo qabtay, wuxuuna dilka kusoo beegmayaa xili muddooyinkii lasoo dhaafay ay magaalada Gaalkacyo ka nasatay falalka dilalka qorsheysan ee lala beegsanayey dadka waxgaradka iyo Nabadoonada magaalada Gaalkacyo.

Allaha u naxariistee Nabadoonka ayaa kamid ah xubnaha sida weyn looga yaqaan magaalada Gaalkacyo.

Horseed Media
News Desk

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!