Shirkadda Hormuud Telecom oo adeega casriga ah e 3G ka hirgelisey Soomaaliya

w5Shirkadda weyn ee Hormuud telecom ayaa maanta shir ballaran ku qabatey Hotel Shaamow magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku soo bandhigayeen adeega casriga ah ee 3G iyo adeegyo kale oo casri ah. S
Maanta oo taariikhdu tahay 29/12/2012, waxaa sharaf u ah Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom Somalia Inc. in ay ku dhawaaqdo adeegga 3 G “ Third Generation “.

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom Somalia , oo ku caan baxady in ay macaamiisheeda iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeedba u soo bandhigto hadba adeegyada casriga ah ee dunida ka jira, waxay xilliyadii u dambaysay soo bandhigtay adeegyo ay ka midyihiin, E-Voucher, EVC, EVC Plus, GPRS, iyo adeegga Dalmar “ International Rooming “.

Sidaa awgeed Hormuud Telecom , oo marwlaba ku dadaalaysa qancinta macaamiisheeda iyo la socodka horumarka Technology-da caalamka, waxay soo bandhigaysaa adeegga 3 G.

Adeeggan cusubi wuxuu macaamiisha u sahlayaa , in ay helaaan Internet ku filan, maqal iyo muuqaal { Video Conference} kaas oo jaamacaduhu uga faa’iidaysan karaan adeegga waxbarashada , iyaga oo Macalimiin ku sugan Caalamka daafihiisa ku xidhaya ardayda ku sugan waddanka gudihiisa .

Haddaba Maamulka Shirkadda Hormuud Telecom , iyo dhammaan shaqaalaha Shirkadduba waxay bogaadinayaan daahfurka adeeggan cusub. waxayna ugu baaqayaan Macaamiisha Hormuud inay ka faa’iidaystaan adeeggan kaabaya noloshooda.

Sidoo Kale Shirkadda Hormuud Telecom waxay u ballan qaadaysaa dhammaan macaamiisheeda , in ay marwalba u sahaminayso adeegyo hufan oo ay ku raaxaystaan.

Horseed Media
Muqdisho, Somaliya

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.