175 arday oo kaqalinjabisay machadka maamulka iyo maareynta ee PIDAM (Sawiro)

DSC01165

175 arday oo waxkabartay Machadka Maamulka iyo Maaraynta (PIDAM) ayaa munaasabada shahaadooyin lagu gudoonsiinayo lagu qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga dawladd goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Munaasabada qalinjabinta ayaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyay 175 arday oo isugu jira Gabdho iyo Wiilal ayadoo ay kasoo qaybgaleen xubno katirsan golaha wasiirada Puntland, Baarlamaanka iyo masuuliyiiin matalayay shirkadaha ganacsiga.

Ardada ayaa dhamaystay shahaadada Diploma ee la xiriirta maadada Business administration and Management taas oo socotay 2sanno oo xiriir ah ayagoo siiwadan kara shahaadada Bachelor.

Ugu horeyn waxaa madasha kahadlay gudoomiyaha machadka PIDAM Prof Max’ed Muumin ayaa sheegay in machadka oo la asaasay 1996 uu wakhtigaas ilaa hada arday badan uga faa’iideeyay helitaanta waxbarasho heerkeedu sareeyo.

Max’ed Muumin ayaa tilmaamay in machadku uusoo saaray arday aad u fara badan oo xiligaan kamid noqday maamulayaasha xarumaha dawladda , Shirkada gaarkaa iyo Hay’adaha caalamigaa kuwaas oo tayo ahaan aad u heersareeya.

Wasiir kuxigeenka waxbarashada Puntland Jaamac Yaasiin Jaamac ayaa carabka ku adkeeyay in dalku uu u baahan yahay goobo waxbarasho oo ardada Soomaaliyeed ee u hanqaltaagaya waxbarasho dalka dibadiisa ay u aadaan kaafiya ardaduna ay dalka gudihiisa waxkabartaan.

Salaad Xareed gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Puntland ayaa ardada kubooriyay waxbarashada asagoo tilmaamay in dhalinyarada wakhtigoodii hugaanka dalka lasoo gaaray ayna u diyaargaroobaan sidii ay u hanan lahaayeen.

Cali Xaaji Warsame maareeyaha guud ee shirkada isgaarsiinta Golis ayaa ardada u rajeeyay inay helaan fursado shaqo asagoo balanqaaday in shirkada Golis ay kamid noqon doonto shirakada ardada machadka PIDAM isha gaarkaa ku eegaysa.

Sawirada Bashiir Ahmed Abdi (Koronto)

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.