Baarlamanka Soomaaliya oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Miisaaniyadda sanadka cusub ee 2013-ka.

Baarlamaanka Gacantaag

Mudaneyaasha Baarlamanka soomaaliya oo kulan maanta (Axad) ku yeeshay xarunta Golaha shacbiga ayaa loo qeybiyay Miisaaniyadda sanadka cusub oo ay wasaaradda Maaliyadda iyo Qorsheynta wax ka bedelis ku sameysay.

Fadhiga Maanta oo uu shir guddoominayay ku xigeenka 2aad ee Afheyeenka Baarlamanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa soo xaadiray 177 mudane oo ay 176 kamid ah oggolaadeen Miisaaniyadda islamarkaana uu mid kamid ah ka aamusay mana jirin xildhibaan diiday.

Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta Maxamuud Xasan Suleymaan iyo Guddigii farsamo ee loo xilsaaray talo ka bixinta Miisaaniyadda ayaa si wadajir ah Xildhibaannada warbixin uga siiyay qaabkii ay ka bedel uga sameeyeen Miisaaniyadda iyadoo Wasiirka maaliyadda uu uga mahadceliyay Xildhibannada ansixinta Miisaaniyadda 2013-ka.

Dhawaan ayaa Barlamanka Soomaaliya waxa ay dib ugu celiyeen Wasaaradda maaliyadda Miisaaniyadda iyadoo laga dalbaday inay muddo 30 maalmood gudahood ugu soo gudbiyaan Baarlamanka Miisaaniyadda oo maanta qallinka lagu wada duugay.

Horseed Media
Muqdisho-Somalia

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.