Boosaaso ma maantay yeelatay Muhiimad gaar ah? (Warbixin).

2 Dec, 2012 Madaxweyne Faroole oo kula kulmay Boosaaso qaybaha bulshada.

2 Dec, 2012 Madaxweyne Faroole oo kula kulmay Boosaaso qaybaha bulshada.

3-dii todobaad ee ugu danbeeyey waxaa xarunta Gobolka Bari ee  Boosaaso ku sugnaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole), inta badan xubnaha Golihiisa Wasaaradda & Dhamaan Taliyayaasha Ciidamada .

Muhiimadda Degmadda Bosaso.

Boosaaso waa xarunta Dhaqaalaha Puntland waxaana ka soo xerooda 85% Dakhliga Miisaaniyadda Dowladda waxaana ku yaala Dekeda keliya ee uu leeyahay Maamulka Puntland oo ah kaabaha dhaqaale ee ugu weyn Dalkeena iyadoo ay ku nool yihiin in ka badan 850,000 oo qof.

Waa magaalo leh fursado Ganacsi oo badan & kaabayaal dhaqaale sida Garoon Diyaaradeed, Wado Laami ah oo ku xirta Gobolada kale & 2 Maxjar waxayna marti gelisay Boqolaal Shirkado Soomaali ah kuwaas oo soo biday gabaad Amni si fiicana uga faa’iideystay fursadaha Ganacsi ee halkaaas ka jiray.

Dadka intiisa badani waxay u yaqaanaan Magaalada Boosaaso Hooyadii Puntland, tan & 1998 maamuladii soo maray Puntland waxay ka heshay Boosaaso tixgelin gaar ah iyadoo maamul kastaa u arkayey inay laf dhabar u tahay Puntland marka laga reebo Xukuumadda Dr. Faroole oo aan wax muhiimad ah siinin.

Xukuumadii AHN Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf.

Xukuumadii ugu horaysay Puntland ee uu hogaanka u hayey Madaxweyne AHN. Cabdulaahi Yusuf Axmed waxay Boosaaso siisay muhiimad u qalanta inkasta oo Xukuumadaasi ahayd mid markaas la asaasay oo socod barad ahayd aana haysan dhaqaale ku filan.

Xukuumadaasi waxay ku guulaysatay inay Magaaladda ka dhisto Xaruntii Madaxtooyada oo ah Guri aad u weyn uuna ku baxay dhaqaale aad u badan halka caasimada Puntland ee Garoowe ay madaxtooyo ka ahyd Gurigii Gudoomiyihi Gobolka  Dowladii Dhexe ee Soomaaliya taas oo kuu cadaynaysa muhiimada ay Xukuumadaas u lahayd Magaalada Boosaaso.

Inta badan Madaxweynaha & Xukuumadiisu waxay wakhtigooda ku qaadan jireen Magaaladaas iyagoo ku guulaystay inay ka hirgeliyaan Amaan la isku halayn karo kaas oo Boosaaso u saamaxay inay soo jiidato indhaha Shirkado badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo ka samaytay saldhigyo.

Xukuumadii Madaxweyne Cade.

Maxjarka xoola dhoofinta Boosaaso.

Maxjarka xoola dhoofinta Boosaaso.

Xukuumadii Madaxweyne Maxamud Muuse Xirsi waxay dhankeeda siisay Magaaladda Boosaaso muhiimad gaar ah maadaama ay tahay Magaaladda ugu dakhliga badan ayna ku noolyihiin canshuur bixiyayaasha ugu tirada badan Puntland.

Xukuumadaasi waxay ku guulaystay inay ka dhisto Magaaladda Maxjar, Dhismayaal Dowladeed oo tiro badan & Dhismaha Terminal-ka Bosaso (Garoonka Diyaaradaha) kuwaas oo saray u qaaday Kaabayaashii dhaqaale ee Magaaladda.

 

Xukuumada hada talada haysa ee Dr. Faroole.

Waxaa la oran karaa Magaaladda Boosaaso waxay u ahayd 4-tii sano ee uu xukunka hayey Madaxweyne Faroole maalmo madoow markaad eegto qaabkii ay Xukuumadaasi ula dhaqantay magaaladda & mudnaanta ay siisay intay le’ekayd.

Xukuumadihii isaga kala danbeeyey Hogaanka Puntland waxaa lagu dhaleecayn jiray inaysan ka degin Laamiga laakiin Xukuumadda Madaxweyne Faroole iyada waxaa u sii dheeraaday inaysan sidii caadada ahayd xataa Laamiga si siman u marin waxaa la gaaray heer Madaxweynuhu uusan booqan Magaaladda Boosaaso mudo 1 Sano & 6 bilood ka badan halka uu Magaalada Gaalkacayo oo ah magaaladda labaad ee Puntland ugu weyn iyadana tegay uu 3 jeer oo labo ka mid ah uu Tacsi ka qayb gelayey (March, 2012 Aaskii loo samaynayey AHN. Madaxweyne Cabdilahi Yuusuf & Aug, 2009 Aaskii loo samaynayey Wasiirki Warfaafinta Puntland Seefta banaanka).

Kordhinta Canshuuraha.

Maamulku wuxuu kordhiyey 200% Canshuurihii taas oo dhabar jab ku noqotay Ganacsigii Magaaladda Boosaaso kuna khasabtay Ganacsatadii & Shirkadihii wax ka dhoofsan jiray inay u kala hayaamaan Magaalooyinka Berbera & Muqdisho.

Waxay Boosaaso lumisay mudadii 4 ta sano ahayd kororkii dhaqaale ee xawliga ku socday & fursadihii Ganacsi ee ka banaanaa iyada oo xataa awood u yeelan weyday inay ceshato Ganacsatadii u dhashay magaaladda.

Bank iridaha u laaban & Talaagado daabul ku jira.

Lacagaha canshuuraha ah ee u soo xerooda Dowladda 85% waxay ka yimaadaan Magaalada Boosaaso waxaana lagu kaydin jiray Bankiga magaaladda iyadoo inta badan lacagahaas lagu bixin jiray Gudaha magaalada halka Magaaladda Garoowe loo qaadi jiray wax yar oo ah shaqaalaha mushaharkooda.

Lacagihii Dowladu ku qaybin jirtay Boosaso waxay geli jireen suuqa magaalada iyadoo dib wax loogaga iibsan jiray Ganacsatadii canshuuraha bixiyey taas oo faa’iido weyn u ahaan jirtay.

Mudadii Xukuumada Madaxweyne Faroole Lacagaha canshuuraha ah ee u soo xerooda Dowladda waxaa lagu daabuli jiray Talaagado iyadoo la geyn jiray Bankiga Garoowe oo noqday mid aad u camiran halka Bankigii Boosaso isu bedelay Bakhaar kayd ah oo Lacagaha lagu sii ururiyo markii ay xoogaa bataana Talaagado lagaga daabulo taas oo dhabar jaba ku noqotay Ganasatadi canshuuraha bixiyey kadib markii ay suuqyada ku soo noqon waayeen lacagihii ay bixiyeen.

Amaanka.

Amaanka Magaaladda Boosaso wuxuu noqday 4-tii sano ee ugu danbeeyey mid aan la isku halayn karin Xukuumaduna waxay ku guuldaraystay inay sugto amaanka Magaaladda Qaraxyada, Weerarada abaabulan & Dilalka qorshaysan waxay magaalada ka noqdeen wax iska caadi ah .

Waxaa la gaaray heer Dadku ku dhiiran waayaan inay dhehaan Yaa hebel dilay ama maxaa loo dilay Dowladuna ma samayn dadaalo & qorshayaal ay ku sugayso amaanka Dadweynaha mana keenin Boosaaso Ciidamo ku filan marka laga reebo kuwo iyada u ilaaliya xarumaheeda & goobaha dakhligu ka soo galo.

Maamulka Degmadda.

Golihii Deegaanka Degmadda Boosaaso waxaa lagu kala diray Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha bishii 25 Feb, 2010 iyadoo uusan dhamaan wakhtigoodii aana loo marin sifo sharaci ah wax khilaaf ahna kama dhex jirin waxaana loo magcaabay Duqa Degmada Maxamuud Beeldaaje oo ahaa Wasiir ka tirsan Xukuumadda (Sharcigu ma ogola Wasiir ka tirsan Dowlada dhexe oo aan shaqdii iska casilin ama laga qaadin in uu noqdo Duq Degmo), Markiiba talaabadaas waxay dhalisay in UN-ka oo ka waday degmadaas mashruuca JPLG ay joojiyaan dhamaan hawlihii ay ka hayeen.

Hay’adaha qaramada midoobay waxay dhowr jeer ka codsadeen Madaxweynaha & Wasaaradaha ku shaqada leh inay tagaan Boosaaso oo Golihii Deegaanka u dhisaan si ay u sii socdaan mashaariicdii UN_ku halkaas ka waday laakiin Xukuumadu ma noqon mid dheg jalaq u siisa codsiyadaas.

Sida uu dhigayo sharcigu laguma soo dhisin Golihii Deegaanka mudo 45 cisho gudahood ah waxayna Boosaaso Gole la’aan ahayd Feb, 2010 ilaa Aug, 2011 iyadoo sidaa ku weyday mashaariic badan oo horay Qaramada midoobay ugu balan qaaday.

Dhismaha Mashaariic Horumarineed.

Ma jiro 1 mashruuc oo Xukuumadda Madaxweyne Faroole ka fulisay Boosaaso mudadii 4-ta sano ee ay Xafiiska joogtay iskadaa inay fuliso mashaariic cusub e xataa waxay ku guulaysan weyday inay dhamaytirto Garoonka diyaaradaha Boosaaso oo Xukuumadi Cade ka tagtay iyadoo Run way gu yahay mid qabyo ah.

MAXAA IS BEDELAY.

Hada Madaxweynaha, Inta badan Golihiisa Wasiirada & Dhamaan Taliyayaasha Ciidamadu waxay ku sugan yihiin Magaaladda Boosaaso sidii caadada u ahaan jirtay markan Madaxweynuhu waa bedelay oo wuxuu noqday mid magaaladda ku hakada joogana ayaamo badan isagoo maalinkasta booqda Goobaha laga bixiyo adeegyada bulshada sida Jaamacadaha, Iskuuladda & Hospitaalada halkii aanu horay u soo dhaafi jirin xarunta Madaxtooyada.

La kulankii Qayabah Bulshada .

Madaxweynaha & weftigiisu markii ay yimaadeen Magaaladda waxay casho sharaf si weyn loo soo maamusay ugu sameeyeen xarunta Madaxtooyada goor habeen ah Dhamaan qaybaha Bulshada Magaaladda sida Odayaasha dhaqanka, Ganacsatada, Culimada, Haweenka & Ardayda.

Madaxweynuhu wuxuu ka codsaday in lala shaqeeyo Dowladiisa laguna taageero Dhaqaale & hirgelinta nidaamka Xisbiyada badan isagoo Ganacsatada ku canaantay inaysan ka soo bixin doorkoodii .

Hase yeeshee waxaa dhankeeda is weydiin mudan maxaa keenay codsiga Madaxweynaha oo aan la maqal mudo 4 sano ah xili mudadiisii ay ka harsanyd markaas 1 bil oo keliya soo looma fasiran karo ha la igu taageero sanadka aan ku darsaday.

Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Bosaso.

Madaxweynuhu wuxuu booqday Garoonka diyaaradaha Boosaaso halkaas oo u dhaxag dhigay wuxuu sheegay inay u hayaan 5 milyan oo doolar ayna hada dhismihiisa bilaabi doonaan isagoo ka codsaday ganacsatadu dhankooda inay keenaan 5 Milyan oo kale maadaama lacagta ay hayaan aysan ku filnayn dhismaha Garoonka.

Wuxuu eeda dusha uga tuuray Xukuumadii Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) inay iyadu hor istaagtay dhismaha Garoonka waloow Dr. Gaas si kulul u beeniyey eedaha uga yimi dhanka Puntland.

Hadaba ma is dhihi karnaa Xukuumadii Madaxweyne Faroole ee mudada 4-ta sano ahayd waxba ka qaban dhismaha Garoonka Boosaaso baa maanta dhisaysa oo weliba sanad gudihiisa ku dhisaysa mise waa qorshe ka mid ah kuwa mudo kordhinta & Taageerada Reer Boosaaso lagu doonayo.

Adeegyada Bulshada.

Faroole oo maanta Jaamacad cusub Boosaaso ka dhagax dhigay xili shaqaalihi Dowladu Bilo badan aysan mushahar qaadan.

Faroole oo maanta Jaamacad cusub Boosaaso ka dhagax dhigay xili shaqaalihi Dowladu Bilo badan aysan mushahar qaadan.

Mudadii Madaxweynuhu joogay Boosaaso wuxuu booqday Jaamacahada Bariga Afrika, Muqdisho, Kuliyada Caafimadka oo uu maanta booqday & Hospitalka Boosaaso oo uu shalay isagana booqday.

Madaxweynuhu wuxuu ka muujiyey goobaha uu tegay baahida Dowladiisu u qabto taageero isagoo jeediyey balan qaadyo kala duwan wuxuuna meel walba kaga hadlayey 1 sano ee Xukuumadiisu ku darsatay & Nidaamka Xisbiyada badan ee ay ku dhawaaqeen isagoo codsanayey markasta in qorshahaas lagu taageero.

Maanta Madaxweynuhu mar uu booqnayey Kuliyada Caafimaadka Boosaaso wuxuu dhagax dhigay jaamacad cusub oo uu ugu magac darayd Jaamacada Culuunta Caafimaadka taas oo uu sheegay inay hirgelin doonaan.

Madaxweynuhu faahfaahin kama bixin qorshaha lagu dhisayo Jaamacadan, Lacagta ku baxaysa cida bixin doonta & mudada dhismuhu socon doono, Wey fiican tahay in jaamacado la dhiso sida dhagax meel loo dhigaana waa si fudud oo qofkastaa awooda xataa Aniga! laakiin waxaa is weydiin mudan Xukuumadu meesha ay ka keenayso lacagaha ay ku dhisayso Jaamacadaas xili wakhtigeedii dhamaad yahay shaqaalihii Dowladana intoodii badnayd aysan mushahar qaadan.

Xukuumadu waxay soo dhoobtay Magaaladda inta badan Ciidamadii Puntland sidii in ay tahay furin dagaal hase yeeshee waxaa talaabadaas loo aanaanaynayaa baqdin laga baqayo in uu kacdoon ka dhalan doono 1 sano ee ay ku darsatay & diidmada qaxayan ee ka imanaya Dadweynaha intiisa badan  & Siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Waxaase nasiib xumo ah inay Xukuumadu soo duldhigto Hooyadii Puntland Ciidamo intaas tiro le’eg xili Dalkii qaybo badan oo ka mid ahi aysan ku jirin gacanta Maamulka.

Gebo gebo.

Sida cad Xukuumada wakhtigeedu dhamaadka yahay ee Madaxweyne Cabdiraxaam Faroole uma hayso guud ahaan shacabka Reer Puntland gaar ahaa kuwa Boosaaso qorshayaal cusub mudo 1 sano gudaheed ahna kuma qaban karto waxay 4 sano soo qaban weyday, waxaase la isweydiin todobaad kadib sida xaalku isu baddalo.

Shiine Culay
Horseed Media
Facebook: Shiine Culay Follow on Twitter: @Shiineculay

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.