Diyaaradaha Daroonka Maraykanka oo Yemen ku dilay xubno kamid ah Al Qaida

diyaaradahDaroonka1

Diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Daroonka (Drone) ayaa xalay bartamaha dalkaasi Yemen ku duqeeyey goob ay ku sugnaayeen xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen Al Qaida.

Weerarkan ayaa ka dhacay gobalka Al-Bayda waxaana la sheegay in lala beegsaday xubno kamid ah Al Qaidada dalka Yemen.

Weerarkan ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen ugu yaraan 3 qof oo uu ku jiro nin dagaalyahan ahaa oo laguĀ  magacaabi jiray Salax Maxamed Al Ameri oo kamid ahaa dagaalyahanada sida weyn looga yaqaan deegaankaasi.

Weerarkan ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen labo xubnood oo kale, halka ay ku dhaawacmeen labo qof oo dheeraad ah.

Weerarkan ayaa ah kii 4aad oo hal asbuuc gudihiis ay diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ku weeraraan goobo kamid ah dalkaasi Yemen.

Horseed Media.
News Desk

 

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.