Dowlada Federaalka oo ugu baaqday Hay’adaha inay tagaan Kismaayo

wasiirkaGudahaDFS

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowlada Federaalka Cabdikariim Xuseen Guuleed oo asagu kamid ahaa Wafdiga ka socda Federaalka ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa ku baaqay in hay’adaha samafalka iyo kuwa kaleba ay xarumo ka sameystaan magaalada Kismaayo.

Wasiirka ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay ka jirto xaalad adag oo ah dhanka adeegyada bulshada asagoo sheegay in lama huraan ay tahay in hay’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ay dib ugu noqdaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Wasiirka ayaa intaa raaciyey in maamulka Kismaayo ay muujiyeen isla markaana ay diyaar u yihiin inay soo dhaweeyaan dhamaan hay’adaha doonaya inay ka hawlgalaan ama xarumo ka sameystaan magaalada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ayey hay’adaha caalamiga ah isaga baxaan intii ay halkaasi ka talinayeen xoogagii Al Shabaab, tan iyo intii la magaalada Kismaayo laga saaray Al Shabaab aysan weli xarumahoodii ka furan hay’adaha caalamiga oo ka cabsi qaba dhanka amniga.

Horseed Media
News Desk

Facebook Commnets Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.