Gaadiid sida Shiico oo lagu qarxiyey dalka Pakistaan

ShiicoPakistanBelujistan

Ugu yaraan 19 qof ayaa ku dhimatay weerar bambaano oo lala beegsaday gaadiid siday dad shiico ah koonfurta dalka Pakistaan.

Weerarkan ayaa ka dhacay degmada Mastung ee xarunta gobalka Balujistan, waxaana loo adeegsaday Mooto lasoo saaray waxyaalaha qarxa taasi oo lagu qarxiyey labo gaari oo bas ah oo siday dad Shiico ah oo safar uga soo noqday dalka Iran.

Weerarkan lala beegsaday Shiicada ayaa ah kii ugu weynaa ee todobaadyadii lasoo dhaafa ka dhaca dalka Pakistaan, isla markaana lagu bartilmaamsado dadka shiicada ah.

Ma jiraan illaa iyo hada cid weerarkan sheegatay, walow ay horey dalkaasi uga dhici jireen weeraro u dhaxeeya dadka Sunnida iyo kuwa Shiicada ah.

Horseed Media
News Desk

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.