Mudaaharaad ka dhacay magaalada Boorame

mudaaharaadIn badan oo kamid ah dadweynaha Boorame ayaa maanta isugu soo baxay mudaaharaad ay uga cabanayaan doorashadii degmada Saylac oo ay sheegeen in xukuumaddu faro gelin ku hayso.

Degmada Saylac ee qadiimka ah ayaa waxaa dhawaan la doortey Mayor kaas oo dawladdu diidey in la dhaariyo isla markaana laga reebay magaalooyinka kale, taas oo ay ka taaganyihiin arrimo adag.

Advertisements

Labada beelood ee ugu badan deegaanka Saylac ee Samaroon iyo Ciisaha ayaa xubnihii golaha deegaanka u qaybsadey 10 Samaroonku helay iyo Ciisaha oo helay 7 xubnood, kadib waxaa si deg-deg ah loo doortey mayor u dhashey beesha Samaroon.

Sideedii sano ee u danbeeyey waxaa Mayor ahaa xubin ka soo jeeda beesha Ciisaha, taas oo dadka mudaaharaadayey maanta ay aaminsan yihiin in dawladdu dooneyso in ay sideedi u soo celiso.

Suldaan ka hadley doorashada ayaa sheegay meesha dimoqraadiyad ayaa taal waana in la raaca tirada badan ee maaha in dadka dib loo celiyo.

Horseed Media
News Desk