Shacabka Sunnida Ciraaq oo sii xoojiyey mudaharaadyada looga soo horjeedo Xukuumada

ramadiCiraaqSunni

Dadka Sunnida ah ee ku dhaqan dalka Ciraaq ayaa sii laba-laabay banaanbaxyada looga soo horjeedo Xukuumada Ciraaq ee uu hogaamiyo Raysalwasaare Nuuri Maliki.

Mudaharaadyadan ayaa ah kuwo ay shacabka Sunnida ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan xukuumada u badan Shiicada ee dalkaasi Ciraaq ka talisa.

Banaanbaxyadan ayaa bilowday kadib markii Dowladu ay xir xirtay dad Sunniyiin ah oo ay ugu danbeeyeen qaar kamid ah illaaladii Wasiirkii Maaliyada ee dalkaasi.

Banaanbaxa ayaa bilowday todobaadkan kadib markii ay shacabka ku dhaqan magaalada Faluujah ay bilaabeen inay banaanka isugu soo baxaan, waxaana ku xigsaday shacabka ku dhaqan magaalada Ramadi oo ah magaalooyinka ay u badan yihiin dadka Sunnida ah.

Mudaharaadkan oo ah mid nabad ah oo aan wax rabshado ah wadin ayey shacabka sheegeen inay ku muujinayaan inaysan u hogaansami doonin wixii hada ka danbeeya Xukuumada, waxayna ku baaqayaan in si deg deg ah loo soo daayo dadka Sunnida ah ee Xabsiyada ku jira ee siyaasada loo xiray.

Horseed Media
News Desk

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!