Hillary Clinton oo isbitaalka loola cararay

hillaryclinton1

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Hillary Clinton ayaa isbitaalka la dhigay kadib markii dhiigeeda isxiray ama xinjirta dhiigeeda ay adkaatay.

Hillary Clinton ayaa bishii lasoo dhaafay dhaawac fudud kasoo gaaray madaxa kadib markii ay suuxday, waxaana la sheegay in xiligaasi uu ku dhacay hargabka caloosha oo keenay in jirkeeda biyaha ku yaraado oo ay suuxdo.

Dhaawaca kasoo gaaray madaxa ayaa horey loo sheegay inuu yahay mid fudud, balse dhakhaatiirta ayaa sheegay in dhiigeeda xinjirta ku jirta ay adkaatay isla markaana loo baahday in isbitaalka la jiifiyo si loo siiyo daawooyin dhiiga furfura ama khafiifiya.

Isbitaalka Presbyterian  Hospital ee magaalada New York ayaa la dhigay Hillary Clinton

Isbitaalka Presbyterian Hospital ee magaalada New York ayaa la dhigay Hillary Clinton

Mrs.Clinton ayaa horey loogu daweenayey gurigeeda, waxaana hada loo wareejiyey isbitaal ku yaal magaalada New York.

Hillary Clinton ayaa lagu wadaa inay xilka Xoghayaha Arrimaha Dibada ay ka degto kahor intaan wareega labaad xafiiska Madaxweynaha loo dhaarin Barack Obama, Waxaana la filayaa inuu bedali doono Senator John Kerry oo uu dhawaan Madaxweynaha xilkaasi u sharaxay.

Horseed Media
News Desk

 

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!