Xaalada Madaxweynaha Venezuela Hugo Chavez oo laga deyrinayo

hugoMaduro

Xaalada caafimaad ee Madaxweynaha dalka Venezuela Hugo Chavez ayaa laga soo deyrinayaa kadib markii qaliin kale lagu sameeyey bishan.

Advertisements

Hugo Chavez ayaa la sheegay in xaaladiisa ay hada adag tahay kadib markii uu ku faafay infekshan la sheegay inuu ku yimid Qaliinkii lagu sameeyey 11kii December.

Hugo Chavez ayaa bishan markii 4aad Qaliin lagu sameeyey kadib markii uu dib ugu soo noqday cudurka kansarka.

Madaxweyne kuxigeenka dalka Venezuela ahna siihayaha xilka Madaxweynaha Nicolas Maduro ayaa xalay safar deg deg ah ku tagay dalka Cuba oo ah halka lagu qalay Chavez, wuxuuna saxaafadda u sheegay in xaalada Madaxweynaha ay tahay mid aad u culus, balse wuxuu sheegay inay gadaal kasoo saari doonaan war faah faahsan.

Hugo Chavez ayaa xukunka dalkaasi qabtay 1999, wuxuuna mar ka badbaaday inqilaab ay militariga ku sameeyeen, Chavez ayaa isla sanadkan ku guuleystay doorashada Madaxweynaha lixda sano ee soo socota, waxaana lagu waday in xilka markale loo dhaariyo 10 bisha soo socota ee Janaayo.

Horseed Media
News Desk