Golaha Wasiirada ee Federaalka oo yeeshay kulan ay u dhan yihiin

Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Golaha Wasiirada Dowlada Federaalka Soomaaliya, kulanka maanta ayaa ah kii ugu horeeyey oo ay kasoo wada qeyb galaan dhamaan xubnaha Golaha Wasiirada oo dhawaan la dhameystiray.

Kulankan ayaa waxaa markii ugu horeysay kasoo qeyb galay Wasiiro kuxigeenada iyo Wasiiri dowlayaasha dhawaan lagu soo daray Golaha Wasiirada.

Advertisements

Qodobada ugu muhiimsan ee kulanka maanta looga hadlayey ayaa diirada lagu saaray hawl-qeybsiga Wasaaradaha iyo mas’uuliyiinta loo kala dhiibay xilalka Wasiirka, W/kuxigeenka iyo W/Dowlayaasha.

Waxaa sidoo kale laga hadlay sidii xukuumada dar dar u gelin lahayd hawlaheeda iyo weliba meel marinta balanqaadkii qorshaha xukuumada ee 100 maalmood ee ugu horeeya oo ay hada uga dhimantahay 55 maalmood.

Horseed Media
News Desk