Booliiska UK oo shaaciyey Sawirka Wiil Soomaaliyeed oo ay baadi-goobayaan

ibrahimMagagUKpoliceBooliiska wadanka Ingiriiska ayaa markii ugu horeysay shaaciyey nin kasoo jeeda dalka Soomaaliya oo ay baadigoobayaan kadib markii uu iska soo xaadirin waayey xarunta ciidamada, ninkan ayaa loo heystaa inuu xiriir la leeyahay kooxda Al Shabaab oo ka dagaalanta dalka Soomaaliya.

Ibrahim Maygaag oo da’adiisa lagu sheegay 28jir ayaa kamid ahaa labo qof oo ay ciidamada amniga ee Wadanka Ingiriiska isha ku hayeen asagoona lagu tuhunsan yahay inuu xiriir la lahaa xubno ka tirsan Al Qaida. Ibrahim ayaa horey loogu khasbay inuu asbuuc walba iska xaadiriyo Booliiska, taasi oo qeyb ka ah baaritaanka ay dowladu ku wado ninkan, balse waxaa la sheegay in ninkan hada la la’a yahay meel uu ka baxay, kadib markii iska soo xaadirin waayey goobtii loogu talo galay iyo wakhtigii la sugayey.

Advertisements

Booliiska ayaa sheegay in ay rumeysan yihiin in ninkan uu baxsaday isla markaana la filayo inuu isku dayayo inuu wadanka Ingiriiska ka baxo, arrintaasi ayaa keentay in Booliiska Markii ugu horeysay ay shaaciyaan sawirkan ninkan dhalinyarada ah oo Soomaaliya kasoo jeeda.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee dalka Ingiriiska haweenayda lagu magacaabo Theresa May ayaa ka codsatay Maxkamada dalkaasi in Booliiska ay shaacin karaan sawirka iyo magaca ninkan oo asagu aan weli maxkamadi ku xukumin wax danbi ah.

Dowlada Ingiriiska ayaa dadka ay uga shaki qabto inay xiriir la leeyihiin kooxaha ay u aqoonsan tahay Argagaxisada dusha ka saarta illaalo iyo waliba inay dadkaasi mar walba iska xaadiriyaan saldhiyada booliiska si loo ogaado goobta ay joogaan iyo inaysan wadanka ka bixin, sharcigan ayaa ah mid dowlada Ingiriiska hirgelisay bishii Janaayo 2012.

Warbixin kasoo baxay ciidamada Amniga ayaa shacabka Ingiriiska loo sheegay inay soo wacaan telefoonka ciidamada ee 999 hadii ay arkaan ninkan, waxayna sheegeen in goobtii ugu danbeysay ee Ibrahim lagu arko ay ahayd xaafada Camden ee magaalada London.

Dowlada Ingiriiska ayaa in muddo ah isha si gaar ah ugu heysay dadka xiriirka laleh kooxda Al Qaida iyo Al Shabaab ayadoo horey labadaasi kooxood u sheegeen inay weeraro ka fulin doonaan gudaha dalkaasi Ingiriiska.

Horseed Media
News Desk