Dood Kulul oo ku saabsan Xil Kororsiga Dowlada Puntland [Dhageyso]

MadaxdaXaaladaPuntland2013Inkastoo Dowlada Puntland ay sheegtay in mudo 1 sano ay ku kororsatay waqtigeeda, balse waxaa waxaa 6 maalmood oo qura ay inaga xigaan waqtigii  rasmiga ah ee Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole uu heyn doono xafiiska Madaxtinimada Puntland.

Gudaha Puntland haatan waxaa ka socdo dhaq dhaqaaq xoogan oo ay wadaan Taageerayaasha Dowlada Puntland iyo Siyaasiinta iyo beeloaha qaar ee s ida weyn ugu soo horjeeda xil kororsiga  mudada 1-ka sano ah oo ay sheegtay dowlada Puntland in ay waqtigeeda ku darsatay .

Hataba Horseed Media ayaa waxa Maanta oo ah maalinta 1aad ee sanadka cusub ay qabatay barnaamij gaar ah oo loogu hadlayo xaaladaha ay ku suganyihiin xiligaan deeganada Puntland iyo qodobka muranka dhaliyay ee ku darshada mudada 1-ka sano ah oo ay ku darsatay dowlada Puntland .

Barnaamijkan oo ah mid Dooda ah  ayaa waxaa ka qeyb galaya Aqoonyahano, Waxgarada  ka soo jeeda Deegaanada Puntland.

Barnaamijkan oo uu daadihinayay Cabdiqani Cali Dalmar, waxaa Asxaabta ka qeyb gashay ka mid ahaa Siciid Qamaan Boos oo ka mid ah Dhalinyarada Puntland ee Dalka Switzerland waxa uu ku sugnaa Magaalada Lausanna ee Dalka Switzerland.

Suldaan Maxamed Yuusuf Cabdi, oo ka mid ah Salaadiinta ka soo jeeda deegaanada Puntland waxa uu ku sugnaa Magaalada Vienna ee dalka Austria.

Mahad Siciid Ciise oo ka soo shaqeeyay Wasaaradii Arimaha Dibada ee dowladii KMG ee Soomaaliya waxa uu joogay Magaalada Amsterdam ee Dalka Holland.

iyo Caaqil Cabdirisaaq Siciid Qotome oo ah Caaqilka guud ee Jaaliyada Puntland ee dalka Switzerland  waxa uu ku sugnaa magaalada Freibourg ee Dalka Switzerland.

Barnaamijka oo dhameystiran halkan ka dhageyso

Horseed Media
Switzerland

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.