Ivory Coast: 60 qof oo ku dhimatay xafladii Sanadka Cusub

ivorycoastsanadkacusub1Ugu yaraan 60 qof ayaa ku dhimatay Xafladii lagu soo dhaweenayey sanadka cusub oo xalay ka dhacday magaalada Abidjan.

Waxaa sidoo kale xafladan ku dhaawacmay 200 ruux oo kale. Dadka khasaaraha soo gaaray ayaa u badan dhalinyaro.

Dhimashada iyo dhaawacan waxaa sabab u ahaa kadib markii kumanaan dad ah oo isugu soo baxay Istadiyumka magaaladaasi oo lagu soo bandhigay Baaruuda cirka loo rido (Fire Work), kadibna dadkii halkaasi ku sugnaa ay isbuurteen, taasi oo dhalisay in dad badan oo dhulka ku dhacay dusha laga maray.

Ciidamada Gurmadka deg degta ah ayaa la sheegay inay soo daaheen isla markaana goobta gaareen 2 saac kadib markii arrintan ay dhacday.

Waa khasaarihii ugu weynaa oo ka dhashay xafladihii xalay ka dhacayey dhamaan wadamada Caalamka oo lagu soo dhaweenayey sanadka cusub ee 2013-ka.

Horseed Media
News Desk

Facebook Commnets Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.