Magaalada Muqdisho oo si weyn looga xusay sanadka cusub 2013

Munaasabado ballaaran oo loogu dabaaldegayay xuska Sanadka cusub 2013 ayaa xalay saqdii dhexe lagu qabtay Hoteelka City palace iyo Degmada Howlwadaag ee Gobolkani Banaadir.

Munaasabadda lagu qabtay xarunta Degmada Howlawadaag waxaa ka qeybgalay Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed nuur tarzan,ku Xigeennadiisa,dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid Degmooyinka Gobolkani Banaadir.

Advertisements

Maxamuud Axmed Nuur Tarzan Duqa Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay in ay sii sagootinayaan sanadkii murugada ee 2012 soona dhaweynayaan sanadka rajada ee 2013 maadaama haatan ay bidhaameyso nabad ka jirta caasimadda iyo deegaanno kale oo ka baxsan Muqdisho.

Fanaaniinta ayaa suugaan ay ugu talogaleen soo dhaweynta sanadka cusub ka qaadayay Goobta ay xafladda ka socotay.

Sidoo kale munaasabad taa la mid ah waxaa lagu qabtay Hoteelka City palace ee Muqdisho halkaas oo si weyn dadweynihii isugu yimid ugu dabaaldegeen sanadkan 2013.

Caalamka oo dhan ayaa xalay looga damaashaaday sanadka cusub ee 2013 iyadoo la rajeynayo in sanadkaan uu wax badan ka bedelnaado sanadihii ka horreeyay.

Horseed Media
Muqdisho Somalia