Pakistan oo siideysay Hogaamiyaal ka tirsan Talibanka

Mullah-Nooruddin-TURABI-11-300x238

Mullah Nuradiin Turabi

Dowlada Pakistan oo bishii November ee sanadkii tagay siideysay 18 kamid ah saraakiisha Talibanka ee ku xirnaa dalkeeda, ayaa todobaadkan siideysay 8 kale oo ka tirsan hogaanka Talibanka oo uu ku jiro Nuradiin Turabi oo ahaa Wasiirkii Cadaalada ee xukuumadii Talibanka ee dalka Afghaanistan ka talineysay 1996-2001.

Go’aanka Pakistan ku siideysay maxaabiista Talibanka ayaa qeyb ka ah dadaalka uu Maraykanka iyo NATO ugu jiraan in kooxda Talibanka lagu dhiiri geliyo inay dib ugu soo noqoto miiska wadahadalka, kahor inta aysan ciidamada NATO ka bixin dalkaasi Afghaanistaan sanadka soo socda ee 2014.

Maraykanka iyo NATO ayaa horey ugu dhiiri geliyey dowlada Afghanistaan ee Xamiid Karsaay inay heshiis rasmi ah la gasho Talibanka kahor intaan ciidamada shisheeye ee NATO ka bixin wadanka Afghaanistaan.

Kooxda Talibanka oo in ka badan 10 sano dagaal kula jirtay NATO iyo Maraykanka ayaa weli ku xoogan gobolo badan oo ka tirsan dalka Afghaanistaan, waxaana laga cabsi qabaa inay afgambiyaan dowlada Afghaanistaan marka uu Maraykanka iyo xulafadiisa ka baxaan Afghaanistaan sanadka soo socda.

Siideynta hogaamiyaasha Talibanka ee ku xirnaa xabsiyada Pakistan ayaa imaaneysa xili Maraykanka uu ka codsaday Pakistan inay gacan ka geysato waan waanta laga dhex wado Xukuumada Afghaanistaan iyo Talibanka, waxaana la filayaa xubnaha lasii daayey inay fure u noqdaan wadahadalka la doonayo in lala galo Talibanka.

Maraykanka ayaa si buuxda uga guuleysan Talibanka oo noqday awood weli ku sugan gudaha Afghaanistaan xili Maraykanka uu sheegay inuu ka takhalusay awoodii kooxda Al Qaida oo ayadu gacan ka heli jirtay Talibanka xiligii ay xukumeen Afghaanistaan.

Hogaanka ugu sareeya ee Talibanka Mullah Cumar ayaa weli ku jira buuraha Afghaanistaan wuxuuna weli hogaanka u hayaa xoogaga Talibanka oo kumanaan kun gaaraya kuwaasi oo weli dagaal joogto ah kula jira ciidamada Maraykanka iyo kuwa NATO ee ku sugan Afghaanistaan.

Horseed Media
News Desk

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.