2 kamid ah shaqaalaha UN-ka oo lasiidaayey kadib 136 maalmood oo afduub loo heystay

darfurafduub

Laba nin oo u dhashay dalka Urdun (Jordan) oo kamid ahaa hawlwadeenada Qaramada Midoobay ee ku sugan gobalka Darfur ee dalka Sudan, ayaa laga siidaayey kooxdii afduubka ku heysatay muddo 136 maalmood ah.

Advertisements

Hassan Mazawdeh iyo Qasem Sarhan oo laga afduubay Darfur ayaa xaaladooda wanaagsan tahay waxaana afduubay kooxo hubeysan oo kusugan gobalka Darfur oo ayagu codsanayey lacago madaxfurasho ah. Labada nin ayaa kamid ahaa ciidamada Booliiska ee la shaqeenayey Qaramada Midoobay.

Raggan ayaa lagu afduubay magalaada Kebkabiya 20kii bishii Agoosto ee sanadkii lasoo dhaafay, afduubkooda ayaa noqday kii ugu wakhti dheeraa oo lagu heystay shaqaalaha UN-ka ee ka hawlgala dalka Sudan.

Horseed Media
News Desk